July 2, 2007

Hay’adaha Qaramada Midoobay Iyo Kuwa Caalamiga Ah Oo Maanta Shaqooyinka Fasax Ka Ahaa 1 July Awgeed, Diidayna Inay Fasax Noqdaan 18 May.

Hargeysa (Harowo.com) July 1, 2007- Haayadaha qaramada midoobay iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee fadhigoodu yahay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa ayaa gebi ahaantoodba maanta ka nasanaayey shaqooyinkii 1-July oo ku beegan maalinta xornimada dalka ay somaliland jaarka yahiin ee Soomaaliya awgeed.

Xarumaha haayadaha UNICEF, WHO,UNDP, UNDPO, CARE, UNHCR, ACTION AID, SWIZERGROUP, UNFP, HALLO-TRUST oo dhammaantoodba ay shabakadda Harowo booqatay maanta ayaa gebi ahaantoodba shaqaalahu ay fasax ahaayeen, iyadoo mar aanu la xidhiidhnay masuul ka tirsan haayadda UNICEF ee caasimadda Hargeysa oo aanu weydiinay sababta loo fasaxay shaqaalaha haayadaha caalamiga ah maanta wuxuu noo sheegay in ay ugu astaysantahay maanta maalin xornimo qarran Soomaaliya, isla markaana jadwalka hawsha shaqooyinka iyaga laga soo siiyo xafiisyada haayadaha caalamiga ah iyo kuwa qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi, masuulkani oo dhalashadiisu tahay Somaliland balse ka hawl galla haayadda UNICEF xafiiskeeda Hargeysa wuxuu noo xaqiijiyey in dhammaanba shaqaalaha haayadaha caalamiga ah iyo kuwa qaramada midoobay ay shaqaynayeen maalintii 18 May oo ku beegnayd maalintii madax bannaanida Somaliland.

Lama garan karo waxaa keenay in haayadaha caalamiga ahi ay iska indho tiraan qaranimada iyo madax bannaanida Somaliland, iyagoo weli ku dhegen in maalinta xornimada Somaliland ay la mid tahay tii Soomaaliya uguna astaysan 1 July, isla markaana waxay meesha ka saareen 18 May oo ah maalinta xornimada Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta qarranka iyo xidhiidhka haayadaha caalamiga ah Mudane Cali Ibraahim Sanyare oo aanu khadka telefoonka gacanta kula xidhiidhnay dhawr jeer maanta ayaanay noo suurtagalin inaanu la xidhiidhno oo aanu arrintani wax ka weydiino, balse masuul ka tirsan wasaaradda qorshaynta waaxda xidhiidhka haayadaha caalamiga ah ayaa sheegay in arrintani ay caado u tahay haayadaha caalamiga ah iyo kuwa qaramada midoobay iyagoo ayuu yidhi sannadahii hore sidani uu kale u fasaxay shaqaalaha maalinta 1 July iskagana indho tiray maalinta xornimada Somaliland ee 18 May.

Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa wakhtigaasi ka hadal arrintani, dad badan oo ay shabakadda Harowo wax ka weydiisay sababta keentay in haayadaha caalamiga ahi iskaga indho tiraan madax bannaanida Somaliland iyagoo weynaynaya maalin ugu suntan shacabka Somaliland maalintii ay xornimadu ka luntay ayaa ku macneeyey xukuumada oo aan si fiican arrintani ugala hadal haayadaha qaramada midoobay waxaanay ka muujiyeen dadkani wel wel aad u weyn, Khaliil Ibraahim Xawaadleh Madar oo hore u ahaan jiray Mayor ku xigeenka caasimadda Hargeysa isla markaana haatan ka tirsan guddida fullinta ee xisbiga Kulmiye ayaa isagoo u waramaya shabakadda Harowo wuxuu ku eedeeyey xukuumaddu inay arrintani ka gaabsatay oo ay muujisay dabacsanaan, wuxuuna ku tilmaamay mid dhaawac weyn u gaysanaysa qaranimada Somaliland.
 
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa,  Somaliland
Email:
diridhaba@gmail.com