June 30, 2007
Somaliland uma Baahna Difaac Qabiil iyo Yooyootan Aan Macno Badan Lahayn.
By Ahmedweli Goth: Markasta oo aan booqdo shabakadaha Internetka ee Somalida amma aan isku dayo in aan akhristo joornaalladooda, si aan ula socdo wararka maxalliga ah ee ka jira dalkaygii, Waxa aan la kulmaa maqaallo aanan jeclaysan, kuwaasi oo huwan fikrado aad u dambeeya amma muran iyo yooyootan u dhexeeya shakhsiyaad.
Haddaba aniga oo aanan magacaabayn qorayaasha maqaalladaasi, ayaan ka biyo diiday kuwo dhawaan ku soo baxay Al Jamhuuriya iyo Harawo.com, kuwaasi oo bulshada reer Somaliland ka dhex abuuri kara buuq iyo xumaan. Waxanan uga digayaa in aanay marar kale soo bandhigin fikradahaasi xanuunsanaya. Waxanad ogaataan in aanay Bulshadani u baahnayn xumaan iyo qas, ee ay go’aansadeen nabad kuwada noolaasho iyo midnimo. Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa aan ogahay in aanu qoraalkoodu waxba ka baddalayn masiirka iyo rabitaanka ummadda.
Bulshadeenna Somaliyeed amma Somaliland waxa ay u gaajoonaysaa hoggaan saalix ah, oo ummadda ku haga jidka horumarka. Waxa ay u baahan tahay maamul daacad ah oo baabi’iya musuqmaasaqa, qaraaba kiilka, eexda, qof jeclaysiga, maamul xumada iyo wixii la mid ah. Baahida noocaasi ahna waxa keeni kara shakhsiyaad xul ah, fariiddo ah, waddaniyiin ah isla markaana meel iska dhigay dan iyo danaysi. Kuwa noocaasi ah ayey taariikhduna wanaag ku xusi doontaa. Laakiin tuug xadaya dadkiisa iyo dalkiisa, beenaale, laaluush qaate amma laaluush bixiye iyo khaayin wada shaqaysanaya…. amma xukunka ha hayo….. amma ha ku soo socdee, ma noqonayaan kuwo bulshadeenna iyo dalkuba u baahan yahay. Waxana soo dhaw maalintii la wada xisaabtamayey, ee dadka maamulka hayaa ay kala baxayeen. Horusocdkuna sidaasi ayaa uu ku jiraa.
Waxan ka soo horjeedaa shakhsiyaadka ku hadla af qabiil iyo gobol, waxan la yabaa kuwa indhala’aanta ku difaaca xukuummadda amma mucaaridka. Haddiise si caqliya aad uga falan qooto waaqica jira amma aad u jeeddo toosin amma hoga tusaalayn, waa in aad dariiqeeda martaa. Fikirka mabda’ ee shakhsiguna xurmo ayaa uu mudan yahay, ee maaha in shakhsigaa si badheedh ah loogu caayo….. PUBLIC…. Iyada oo jawaabta aflagaadada ah loogu soo qorayo shabakadaha.
Ugu dambayn waxa aan qoraalkaygan ku soo gaba gabaynayaa, Somaliland waa dawlad madaxbannaan oo maamul leh, kaasi oo shacabkeedu u igmaday maamulka iyo maaraynta dalka, waxana hawlaha u xil saaran golayaal, ay inta badan dadku soo doorteen. Haddii ay dhalliil leeyihiin waxa jawaab ka bixin kara dadka maamulkooda hoos jooga ee ay arrintu taabanayso. Waxanan ognahay in ay si xor ah uga hadli karaan wixii baahidooda ah amma ay dhalliilanayaan,laakiin nin Ingiriiska, Maraykan, Canada amma Yurubta qabow jooga oo caydhiisa iyo dhaqaale kaleba helaa mas’uuliyadda dadkaasi kama hadli karo, hadday dhibaato dhexdooda ka dhacdana waxba kama tari karo.
Waxase looga baahan yahay in uu ku dadaalo sidii uu naftiisa iyo haddii uu carruur leeyahay uu ubadkiisa waxbarasho iyo horumarkale ula dadaali lahaa, Marla uu intaa ka soo baxana uu woxoogaa mucaawina ah ugu diri lahaa ehelkiisii u baahan ee dalkii jooga. Shaqsiyaadka ay aqoon iyo karti kale ku gaadhay in ay mashaariic geeyaan dalkiina waa kuwa loo baahan yahay, laakiin waxa aan uga digayaa in aanay dadka iyo dalka u caawinnin si ay uga macaashaan.
A Goth
London, UK
Email: shueebi@hotmail.com








