June 27, 2007
“Kursigana Ninna Xoog Iyo Boob Ugu Fadhiisan Maayo” M/weyne Rayaale Iyo Khudbadiisii 26 June Ee Berbera

Hargeysa (harowo.com) June 26, 2007- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir rayaale Kaahin iyo wefdi uu hogaaminaayey oo iskugu jiray wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin ka socotay shariikad Jarmal ah oo maal gelinaysa seddex wershadood oo uu madaxweynahu dhagax dhigay ayaa munaasabadda 47-sanno guuradda ka wareegtay madax bannaanida Somaliland wuxuu kala qayb gallay dadweynaha reer Berbera fagaaraha 26 June ee magaalada Berbera.
"Xildhibaanada Warqadda Qoray Waa Beenalayaal Iyo Qayrul Masuuliyiin Loona Joojin Maayo" Rayaale
Khudbad dheer oo uu madaxweye Rayaale uga jeediyey shacabka reer Berbera halkaasi ayaa wuxuu si ba’an ugu weeraray xildhibaano soddomeeyo ahaa oo dhawaan bayaan ay soo saareen ku canbaareeyey ganacsade sacuudi ah oo xukuumadda heshiis kula gallay dhoofinta xoolaha, wuxuuna Madaxweyne Rayaale mudanayaashaasi ku tilmaamay qayrul masuuliyiin beenalayaal ah, wuxuuna sheegay in xukuumadiisu ay dalka u joogto sidii ay nolosha shacabka wax uga bedeli lahayd.
haddaba ugu horayn Madaxweyne rayaale wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidani:
"Marka hore reer Berbera rag iyo haween, dhalinyaro iyo caruurba aad ayaan idiinku mahad naqaya, wakhtiga kulul iyo sida qiimaha leh ee aad Berbera noogu soo dhawayseen, runtii maanta waa maalin qiimo leh, farxad baanay ii tahay inaan maanta idinkala qayb gallo 26 June, waa maalintii aynu xorriyadda qaadanay, anigu kuwii ugu yaryaraa ee xasuusta ayaan ahaa.

Maalintaasi dugsiga hoose ayaan dhiganaayey, maanta 26 June xusuuso badan ayey kulminaysaa, waxay kulminaysaa farxaddii maalintaasi taagnayd aynu xorriyadda qaadanay iyo kalgacalkii aynu kula midawnay walaalaheen iyo wixii aynu kula kulanay, imaatinkayaga maanta aanu halkani nimid iyo xuskayaga waxaa nagu soo beegay run ahaantii anigu Berbera hooyada Somaliland ayaan u haysta ama meesha ay noloshu ka soo gasho Somaliland, waxaan aaminsanahay anigu in dadka reer Berbera loo dedaalo oo wax alla iyo wixii lala qaban karo loo la qabto.
Waxaan aaminsanahay in Berbera xita dad badan oo reer Berberi ahi ay ka tageen oo ay uga haajireen Hargeysa Iyo Burco, sababta ay uga tageena waxaa weeyi magaalada oo duruufaha cimiladu keentay aanay dadku joogi karin, horta Nalka ayaa la idiin samaynayaa oo mishiinadii nalka siraadaayey waa la rakibay waana ku meel gaadh, laakiin kii rasmiga ahaa insha allahu dhawaan ayuu imanaya maanta ayaananu dhagaxiisa dhigi doona, waxaananu maanta dhagax dhig u samaynaynaa Wershadayntii Somaliland, Berbera oo keliya maahe waa wershadayntii Somaliland, seddex wershadood ayaanu maanta dhagax dhigaynaa.
Wershad dhuxul dhagaxda ah oo dhalisa tamarta ama koronto ha noqoto ama mid wax lagu karsado ha noqoto eh oo noqon doonta dabka ugu qiimaha jaban adduunka oo laga samayn doono buurahani ina soo eegaya ee weligeebna aanu adhiga ku raaci jiray ayaa maanta suurtagal inoo noqonaysa inaynu ugu yeedhnay rag maal gelin samaynaya oo jarmal ah inay sameeyaan tamarta dhuxusha laga samaynaayo oo ay ka farcami doonaan wershadda sibidhka iyo wershadda Jibsanku, haddii ilaaha awoodalahi yidhaahdo shaqooyin badan ayaa dalka ka abuurmi doona.
Waxay dalka soo gelin doonta dadka lacagta haysta inay kaga faa’idaystaan laydh iyo koronto jaban oo magaalooyinka oo dhan wada gaadhi doona ilay ganacsigooda uga faa’iidayaan, waxay faa’iido inoogu keeni doonta inaynu korontadaasi ku keydsano kheyraadka dhulka iyo bedda inoogu jira, bal u fiirso maanta kalluunkeena ma haysano koronto aynu ku kaydsano, waa inagu qaali, idinka reer Berbera waxaa la idinka raba in kheyrkaa ka qabsoomaya buqcadda ilaahay idinku abuuray xil gaar ah baa idin saaran inaad ilaalisaan oo aad u feejignaantan ayaa masuuliyadeedu idin saarantahay".

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin isagoo hadalka sii wata wuxuu si ba’an u weeraray xildhibaano dhawaan qoraal ay soo saareen ku canbaareeyey ganacsade sacuudi ah oo xukuumaddu heshiiska dhoofinta xoolaha ah la gashay isagoo la hadlaya xildhibanadaasi wuxuu yidhi "hadday noqotay tuu caaqilku sheegay xildhibaano inay warqad qoreen, xildhibaanadaasi anigu waxaan odhan karaa rag qayrul masuul ah ayey ahaayeen, meeshay doonaanba ha u dhasheene, rag dalkan aan muraad ka lahayn ayey ahaayeen, waxay yidhaahdeen dalka maal gelin laguma samayn karo, Beenalayaal weeyan!! waa lagu samaynayaa dalka maal gelin looma joojinaayo, dalka maal gelin ayaa lagu samaynayaa waxba loo qabanayaa.
Wadka noloshiisa waa la bedelaya, dawladuna taasi ayey ku shaqaynaysaa oo waad ogaanaysaan, waxaa kale oo aan idiin sheegaya dhawaan safar ayaan ka soo noqday dalal dhawr ah oo yurub ku yaalla ayaan tagay Sweden ayaan soo maray, Norway ayaan soo maray, Talyaanigaan soo maray, waxaan u socday danaha ummadda ayey ahayd iyo sidii wax loogu qaban lahaa ee dhaqaale dadkayga iyo dalkayga aan ugu heli lahaa, waxaan idiin sheegaya dhammaanba dalalka aan maray inay inoo ballan qaadeen inay deeqahii ay ina siinayeen si toos ah inoo soo mariyaan.
Safarkaygaasi mid siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba wuu ahaa , dagaalba adduunka ku jira, rag ayaa dagaal dalkani kula jira, qaranimadeenu beri hore ayey tasawday, raacdo dheer ayey qaadanaysa, rajooyin badan ayaa maanta jira afrika, yurub iyo meel kalaba, waxay ku qanceen oo yidhaahdeen somaliland waxay gaadhay garawshiiyo badan, dedaalkeenana waan wadnaa, Laakiin ragbay taasi u cuntami laadahay oo leh waar yaanay meeshu waxba noqon haddii aan anigu kursiga ku fadhiisan waayo, horta kursiga ninkii ilaahay kolba keeno ayaa ku fadhiisanaya, ma jiro nin xoog iyo boob ugu fadhiisanaya, laakiin waxaa laga rabaa in dadkani iyo dalkani wada jirkooda iyo wada noolaanshahooda laga fekero"

Madaxweyne Rayaale isagoo ka hadlaya sida qaranimada loo yagleelo tusaalana usoo qaadanaya dalka Israel wuxuu yidhi "adduunyadani aynu ku noolahay qoloada Israel la yidhaahdo iyagoon waddan haysan ayey fekereen oo nin qudha oo ka mid ahi fekeray, wuxuu ku fekeray inuu dal sameeyo dal shan kun oo sannadood horteed ay ka tageen, riyadii u bilaabantay aakhirkii way ku guulaysteen oo waydinka og halka ay maanta joogaan, inagu dalkii ayeynu haysana, haddii aynu dalkii aynu haysanay dhisi kari wayno waa nasiib darro" ayuu yidhi Mudane Rayaale.
Mudane Rayaale wuxuu ugu danbayntii u rajeeyey magaalada Berbera iyo guud ahaan reer Somaliland tii tubta horumarka iyo aqoonsiga hesha, wuxuuna sheegay inuu arko rajo weyn oo ayuu yidhi ah Berbera oo Somaliland oo dhani ay iskugu timaado.
Madaxweyne Rayaale ayaa isla shallay ka soo ambabaxay magaalada Berbera isagoo gelinkii danbe ee shallay soo gaadhay caasimadda Hargeysa halkaasi oo uu xalayna kala qayb gallay shacabka reer Somaliland munaasabad balaadhan oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com

