June 26, 2007
Diyaarad Militery Oo Shallay Waabarigii Qarsoodi Ku Fadhiisatay Madaarka Berbera
argeysa(Geeska)- Diyaarad aan si rasmi ah loo aqoonsan balse lagu tilmaamay inay ahayd mid Milatari ayaa waaberigii shalay cago dhigatay Madaarka Berbera, iyada oo halkaas ku dejisay qalab ay siday.
Sida ay dad goob joog ahaa Geeska Afrika u sheegeen Diyaaradan oo markii ay Madaarka soo cago dhigatay aanay cidi hagayn, waxa Madaarka ku sugayay Saraakiil ka tirsan Hay’ada Sirdoonka Qaranka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Hay’adda Sirddoonka Qaranka Md. Xuseen Xasan Guuleed (Xuseen Kenyati), Taliye ku xigeenka hay’adaasi Mr. Cismaan Maxamed Samatar (Cismaan-liimo), Saraakiil ka socotay xafiiska gobolka Saaxil ee hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo dhawr nin oo Ajaanib ah oo Hargeysa kala guureeyay saraakiisha sare ee hay’adda Sirddoonka Qaranka.
Sida ay dadkaas goob joog ahi Geeska Afrika u sheegeen, xilliga ay diyaaradu soo cago dhigatay madaarka may joogin shaqaalaha diyaaradda haga, waxaana laga dejiyay Qalab culus oo lagu deday shiraac, kaas oo markii dambena la saaray gaadhi ah nooca loo yaqaan Shaamboo Xayraanka. Dadka goob joog ahi may cadayn nooca ay alaabtaasi ahayd.
Hase yeeshe waxa ay sheegeen in diyaaradu Madaarka ka duushay abaaro 6:15 subaxnimo ee shalay, xiligaas oo ay soo shaqo tageen kuwii u horeeyay ee ka mid ah shaqaalaha ka hawl gala garoonkaas.. Waxa kale oo ay dadkaas goob jooga ahaa sheegeen inay diyaaradu u muuqatay inay ka soo kacday Madaarada Addis-Ababa ama Djibouti, balse ilaa hadda lama cadayn dalka lahaa. Hase yeeshe waxa jira warar sheegaya in diyaaradu ka mid tahay diyaaradaha Milatariga ee dalka Ingiriiska.
Inkasta oo aanay xukuumadda Somaliland war rasmi ah ka soo saarin diyaaradaas guuro galka ku timid Madaarka Berbera iyo qalabka ay siday toona, haddana waxa ay ahayd mid xukuumadu ka war qabtay imaanshaheeda. Galabnimadii Axadii ayaa shaqaalaha Garoonka Berbera lagu wargeliyay inay imanayso diyaarad qalab u sida dawladda, balse lama sheegin qalabkaasi waxa uu ahaa.
Sida ay dadkaas goob jooga ahi sheegeen, ma jirin cid u dhawaatay diyaaradda, waxaanay fadhiday badhtamaha garoonka, iyada oo aan iman goobta loogu tallo galay diyaaradaha garoonka fadhiya ee xamuulka laga rogayo ama lagu qaadayo.
Dhinaca kale diyaarado guuxoodu argagax geliyey dadweynaha ayaa shalay ilaa habeen hore ku dul wareegey magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.
Diyaaradahan oo loo malaynayo inay isku nooc yihiin kuwo hore loogu arkay hawada magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, waxa la sheegay inay joog hoose ku duulayeen, muddo saacado ahna ay ku dulmeerayeen magaalada iyo hareeraheeda.
Lama garanayo diyaaradahaasi meesha ay ka soo kaceen, cidda leh iyo ujeedadooda midna. Waxaase la filayaa in diyaaraddaas uu leeyahay ciidanka Maraykanka ee la dagaalanka Argagixisada u fadhiya Jabuuti, kuwaas oo ilaaliya Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Diyaaradaha Maraykanku waxa ay dhowaan duqeeyeen xeebaha maamul-goboleedka Puntland, meel lagu magacaabo Baargaal, halkaas oo la sheegay in lagu arkay koox wadaaddo ah oo la sheegay inay isku urursanayeen.
Source: Wargeyska Geeska Afrika






