June 23, 2007
Madaxweyne Rayaale Iyo Wefdigiisii Oo Soo Afjaray Safarkooda Ayaa Ka Soo Degay Addis Ababa Lana Kulmay Melez Sanawi
Hargeysa (Harowo.com) June 22, 2007- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdigii uu hogaaminaayey oo maalmahii ugu danbeeyey safar ku maraayey dalal ku yaalla qaaradda yurub gaar ahaana waddamada Sweden, Norway iyo Italy ayaa soo afjaray socdaalkoodii.
Waxayna maanta oo jimce ah ka soo degeen gegida diyaaraddaha caalamiga ah ee magaalada Addis ababa iyadoo isla maantana wefdiga madaxweynaha uu qaabilay Ra’isal wasaaraha Ethiopia Melez Sanawi isla markaana uu casho sharaf ku sooryeyey wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia ato Zium Mesfin.
Haddaba warsaxafadeed lagu faah faahinaayo kulankaasi madaxweynaha dhex maray madaxda dalka Ethiopia oo uu ku saxeexanyahay afhayeenka madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge oo wefdiga la socda ayaa isagoo dhamaystiran wuxuu u dhigna sidani:
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey oo soo gebogabeeyay socdaalkii ay ku soo mareen dhawr waddan oo ka tirsan, qaarada Yurubta Galbeed waxa Maanta ay ka soo degeen, dhabaha dayuuradaha ee Magaalada Addis Ababa, Caasimadda Dalka Ethiopia, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, isla manta gelinkii hore waxa uu la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Ethiopia, Mudane, Meles Zenawi.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, arrimaha ay isla soo qaadeen ee ay ka wada hadleen waxa ka mid ahaa sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Waddanka Ethiopia, waxa kale oo shirkaa ay ku soo qaadeen xaaladda ka aloosan mandaqadda Geeska Africa, shirkaasi waxa isaguna goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Debedda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale.
Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa caawa casho sharaf ugu sameeyay hudheelka weyn ee Sheraton, Wasiirka Arrimaha Debedda ee Dawladda Ethiopia, Atto, Seyuom Mesfin , cashadaasi oo iyana ka soo qayb galeen Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda ee Dalka Ethiopia, Ato, Tekeda Alemu iyo Madax kale" .
.jpg)

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com






