June 23, 2007

G/ku-xigeenkii Hore ee Komishanka Qaranka Ayaa ka hadlay Qaabkii Loo Maray Hawgalkii Komishankii Hore

Hargeysa (Harowo.com) June 22, 2007- Guddoomiye ku xigeenkii koomiishankii doorashooyinka qarranka, C/laahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), oo shallay weraysi siinaayey Harowo.com iyo telefishanka madaxa Bannaan ee HCTV, ayaa sheegay in aanay madaxtooyada somaliland wax xuquuq ah u lahayn inay dhaariyaan xubnaha cusub ee koomiishanka doorashooyinka qarranka.

Wuxuuna sheegay in wakhtigoodii markii la dhaarinaayey ay iskaga durkayeen qaybaha isku haya siyaasadda maadama ayuu yidhi C/laahi aanu annagu u ahayn garsoor.

Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar oo ugu horayn aanu weydiinay siduu u arko is qab-qabsiga dhex yaalla hadda golaha wakiiladda, xukuumadda iyo golaha guurtida wuxuu yidhi "horta mararka qaarkood ayaan is idhaahda miyaanay nimankani masuuliyiinta ah ee xilka loo dhiibtay ha noqdeen xukuumadda ama golayaasha kale eh akhriyen dastuurkani ummaddu dhigatay, dastuurka xeerka doorashooyinka ayaa wuxuu si cad u qeexaya habka lagu soo xulayo koomiishanka doorashooyinka qarranka waa wajiga koobaad waxaana loo soo kala xullaya seddex madaxweynaha ah, laba guurtida ah iyo laba axsaabta mucaaridka ah.

Intaasi marka laga soo gudbo madaxweynaha ayaa loo soo gudbinaya madaxweynahuna wax kale samayn maayo eh magacyadii xubnahaasi ayuu u gudbinayaa golaha wakiiladda, golaha wakiiladduna cod ayuu u qaadaya waa jidkii siraad waa halkii lagu kala reebaayey xubnaha, ciddii markaa codkaasi ka baxda ee ku guulaysataana waxay noqonaysa xubin, ciddii kalana dib ayaa loogu celinaya halkii laga soo magacaabay" ayuu yidhi Mudane C/laahi Jawaan.

Mar aanu wax ka weydiinay in xubnaha cusub ee la ansixiyey ay bilaaban karaan hawshooda wuxuu yidhi "horta annaga wakhtigayagii waxani oo is qab-qabsi ah, iyo waxani oo muran ahi ma jirin, markii xubnahayagii la soo dhamaystiray waxaa loo soo gudbiyey golaha wakiiladda oo iyaguna u cod qaaday ka dibna mid naga mid ah ayaa la reebay waa Muuse oo guurtidu soo magacawday markii hore, lixdayadii kale waxaa warqad noo soo qoray xoghayahii golaha wakiiladda waxaanu ula tagnay maxkamadda sare, shaqada iyo hawsha koomiishankana waxaabanu sii bilawnay iyadoo aan nala dhaarin, markii aanu xaashida naloo soo qoray aanu qaadanay xaashidasi oo ahayd in golaha wakiiladdu na ansixiyey, waxaa nalagu dhaariiyey xarunta maxkamadda sare waxaana na dhaariyey shuunu, oo markaa maxkamadda sare haystay.

Dhammaantayo waxaanu ka fogaanaynay waxay ahayd in nalagu ag arko cidda aanu garsoorka u qaadanay, waayo annagu waxaanu isku tirinaynay niman cadaaliyiin ah oo ummad dhan laga soo dhex doortay, in madaxtooyo iyo xarun xisbi iyo xarun gole iyo waxaasi lagugu arka waxay sii kordhinaysaa uun tuhun, waxaanan kula tallin lahaa nimankaasi shanta ah in ay ka durkaan goobaha tuhunka yaallo iskuna arkaan inay yahiin cadaaliyiin ummadda laga soo dhex xushay, haddii kale wixii ka soo noqda iyagaa eedeeda yeelanaya" ayuu yidhi Mudane C/laahi Jawaan.
 
C/laahi Cabdi Xaaji Cumar oo aanu weydiinay in lagu dhaarin karo xubnaha koomiishanka amar madaxweyne wuxuu yidhi "maya xaasha meel ay xeerka kaga taalla ma jirto madaxweyne ayaa dhaarinaya, dhaarinta waxaa iska leh waa guddoomiyaha maxkamadda sare, madaxweynahu isagu hal door ayuu ku leeyahay doorkaasina waa inuu magacyada xubnaha la soo xulay u gudbiyo golaha wakiiladda, taasina wakhtigeedii waa la soo dhaafay, wixii ka danbeeyana waxaa loo arkaya waa khalad iyo dastuurka oo lagu gafayo" ayuu yidhi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar Jawaan.
 
Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar oo aanu weydiinay in xubnaha cusub ee hadda shanta ah ay hawshooda bilaaban karaan iyadoo aanu la soo dhamaystirin wuxuu yidhi "xeerka ayeynu taasi dib ugu noqonayna, iyadoo hawsha jirta la eegaayo waxay noqonaysa waajib dastuuri ah in xubnaha ansaxay ay hawsha sii bilaaban inta kuwa kale hawshooda la soo dhamaystiraayo" ayuu yidhi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar.
 
Guddoomiye ku xigeenkii hore ee koomishanka doorashooyinka qarranka Mudane C/laahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) wuxuu kula talinaya xubnaha cusub ee koomiishanku inay noqdaan qaar ka faa’idaysta ayuu yidhi hawshii ay dhigeen xubnahii iyaga xilka uga horeeyey, wuxuu Mudane Jawaan uga digay xubnaha cusub inay ka fogaadan, qabyaaladda, kooxaysiga, xisbiyaynta, xukuumadda, golayaasha iyo ashkhaasta kale, isla markaana ay markasta ogaadan ayuu yidhi ficilkoodu inuu saamayn ku yeelanayo bulshada somaliland oo dhan.
 
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email:
diridhaba@gmail.com