June 19, 2007
“Qofka Loo Jawaabayaa Aniga Maaha!!” Jawhar Qalinle
Run ahaantii ma jiro faraq u dhexeeya wiilka iyo gabadha marka laga eego dhanka qofnimada, oo gabadhuba way qaban kartaa wax kasta oo ragu qabto, walow imika ragaba ay ka badsadaan markaad eegto dalalka reer galbeedka.Laakiin waxa kala duwaya kaliya waa jinsiga(lab ama dhedig)kaas oo kala duwa shakliga guud iyo qaab dhismeedka jidhka ee qofka Sidaas darteed waxa jira wax badan oo ay isaga ekaan karaan.Sida:-magacda iwm.
Anoo udegaya dulucda hadalkeyga waxan akhriyey maqaal uu walaalkey Rashiid cabdi soo galiyey internetka kaas oo uu doonayey ínuu jawaab kaga bixiyo maqaal aan horey u qoray.Hadaba ujeedadeydu maaha inaan ka hadlo jawaabtiisa sababtoo ah qofka uu usoo jawaabayba aniga maaha. rashiid wuxu usoo jawaabay gabadh, marka laga taamilo qaato weedhaha uu ku bilaabay hadalkiisa.
Balse waxan doonayey oo kaliya inaan isaga u sheego in maqaalka uu ka jawaabayey aan anigu qoray anigana magaceygu yahay Jawhar cabdisamad qalilnle.Akhristayaasha kalana waxan usheegi lahaa iney sidaa ula socdaan.
Waxa suura gal ah in Rashiid lumiyey waxbadan oo uu ka oran lahaa qoraalkeyga amaba ay jiraan akhristayaal kale oo fikirkooda iska liqa taasna ay sabab u noqotay ka dib markey magaceyga ukala saari waayeen wiil iyo gabar midka sita, iska dulqaata waayo magacdeenaa carabi u badan.
Magaceyguna wuxu ka midyahay magacaan badan oo ay bahwadaag yihiin kuwa haweenka, sida ka dadyawga kale ee dunidaba ay u jiraan magac ay share gareeyaan wiilasha iyo gabdhuhu.
Dhinaceenana waxa jira magac badan oo illaa xad isku dhaw, qoraal ahaan iyo dhawaaqa intaba iyo qaar aan waxba kukala duwanayn oo isku mid ah.
Waxa la kala saari karaa oo kaliya marka la ogaato qofka magaca sitaa midka uu yahay wiil iyo gabar.
Tusaale:
Shukri iyo shukri
Hanad iyo Hanad
Farxaan iyo Farxaan
Hadaba magaceygu wuu ka duwanyahay qoraal ahaan iyo dhawaaq ahaanba, oo marka gabadha loo bixiyo wuxu iska bedelaa dhexda ama gadaal baa laga raaciyaa shaqal sida magac badan oo aad halkan ku arki doontaan.
Tusaale:
Rashiid iyo Rashiida
Jawhar iyo Jawaahir
Xasan iyo Xasna
Aniis iyo Aniisa
Dhuux iyo Dhuuxo
Khadar iyo Khadra
Foosi iyo Foosiya
Aadan iyo Adna
Muumin iyo muumina
Deeq iyo Deeqa
Nuur iyo Nuura. iyo qaar kaloo badan.
Ugu danbeyntii akhristayaasha sharafta leh waxan ku dhaafayaa sidaa iyo barasho wacan. Wabilaahi towfiiq
Jawhar Cabdisamad Qalinle
Email: korwaayeel@hotmail.com






