June 18, 2007
M/weyne Rayaale Oo Marti-qaad Rasmi Ah Ka Hellay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Talyaaniga Lana Filaayo Inuu Berri Subaxa U Ambabaxo.
Hargeysa (Harowo.com) June 14, 2007- Wasaaradda arrimaha dibadda ee talyaaniga ayaa martiqaad rasmi ah waxay usoo marisay Madaxweyne Rayaale iyo wefdigiisa safaaradda talyaanigu ku leedahay dalka Norway, wefdiga Madaxweyne rayaale ayaa lagu wadaa inuu berri subaxa hore ka ambabaxo dalka Norway isagoo usii jeeda dhinca iyo caasimadda dalka talyaaniga ee Roma.
Madaxweyne rayaale ayaa intuu joogo xarunta dalka talyaaniga ee Roma wuxuu kulan la yeelan doona wasiirka arrimaha dibadda ee talyaaniga Massimo D’allema, wasiir ku xigeenka dalka talyaaniga iyoi madax ka tirsan waaxaha siyaasadda iyo maal gelinta ee dalka talyaaniga.
Faah faahin lagama bixin ujeedoyinka ugu waaweyn ee Madaxweyne rayaale kala hadli doono madaxda dalka talyaaniga, balse sida laga warqabo dalka talyaaniga ayaa saamayn weyn ku leh arrimaha Soomaalida, waxaana dhawaan magaalada Muqdisho yimid wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga iyadoo haweenaydaasi kulano la yeelatay madaxda dawladda Embigathi.
Saraakiil sar sare oo ku sugan dalka talyaaniga ayaa sheegay in safarka madaxweynaha Somaliland oo uu wehelinaayo wasiirkiisa arrimaha dibaddu ay wax weyn ka bedeli karto dedaalkii ay somaliland ugu jirta aqoonsi raadiska, dalka talyaaniga ayaa dhinaca kale wuxuu ka mid yahay dalalka deeqda ugu badan ugu ballan qaaday barnaamijka baanka adduunka iyo qaramada midoobay ee loo yaqaanay JNA.
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com






