June 16, 2007

Warbixin: Halkuu ku Dambeeyey Ururkii ADAL ee Loogu Tala Galay Inuu Isku Xidho Reer Awdal Gudo iyo Dibedba?

 Taariikhdu waxay sheegtaa in magaca "Adal" loo yaqaannay boqortooyo lahayd ilbaxnimo iyo awood maamul oo boqollaal sano ka hor ka jirtay dhulka maanta uu ka mid yahay G/Awdal. Dadkii waaggaa ku noolaa dhulkani, ayaa xeeldheeraayasha taariikhdu sheegaan inay yihiin dadka maanta ku nool geeska Afrika, kuwaas oo gudaha Afrika iyo gacanka carabtaba u hayaamay markii ay burburtay boqortooyadii "ADAL". Si magacaasi aanu u duugoobin ama loo xusuusto, ayaa mar kale dadweynaha ku nool Gobolka Awdal magaca Adal u sameeyeen Urur waddani ah oo la is lahaa wuxuu ka shaqeyn doonaa danahooda iyo horumarkooda.

Ururkan la yidhaahdo Adal, ayaa magaalada Boorama lagaga dhawaaqay sannadkii hore, markaas oo ay qurbajooga reer Awdal iyo qaar ka mid dadka gudaha ku nooli isla garteen in loo baahanyahay urur mideeya kana shaqeeya horumarkooda dalka.

Shirweynihii lagu aasaasay Ururka ADAL sannadkii hore, ayaa ahaa mid aad loo buunbuuniyey, iyadoo shirweynahyasi ay kasoo qaybgaleen xubno ka mid ah qurbajoogga Awdal ee ku nool dalalka Yurub iyo maraykanka.Fikirka lagu aasaasay ururka ADAL oo ahayd talo la doonayey inay reer Awdal isku aaminaan loona adeegsado horumar taabanaya dhinacyo badan, ayaa soo shaacbaxday mar ay dalka Maraykanka booqasho ku tegtay haweenayda keliya ee baarlamaanka Soomaaliland kusoo gashay doorashada.

Qabanqaabadii loo sameeyey iyo farxadda ka muuqatay aasaaskii ururkan, ayaa u akayd mid aan la iloobi karin, isla markana qurbajoogga reer Awdal ka muujiyeen inay ku kalsoomyihiin Ururkan,  oo ay dabageli doonaan, waxayna dadku u arkayeen arin muhiim ah oo aad loogu baahan yahay. 

Sannadku dhawaad ka dib markii Ururkii ADAL la aasaasay ilaa hada lama hayo meel uu cag ka laalaadiyey, Waxna lagama hayo hadaladii macaanaa ee laga sheegayey maalinta ururka lagu dhawaaqayey. Xitaa magac ahaan ma arkaysid meel laga hadalhayo, waxqabad ama waxyeelo ururkaasi taariikhda leh lagu xusay, mana jirto door muuqda ama dhaqdhaqaaq uu haatan ka shaqaynayo. Iska daa wax qabade, dadkii qaaday masuuliyadda ururkaasi ayaan maanta laftoodu u muuqan kuwo xil u haya ummada, iyadoo inta badan aan masraxyada isugu yimaadaan ururadu, aqoon-isweydaarsiyada lagu qabto magaalada iyo talooyinka laga bixiyo maamul wanaagga ee shacbigani u baahanyahay ururka ADAL ka dhex Muuqan.

Dad badan oo maalintii ururkaasi la samaynayey ku faraxsanaa, ayaad hada mooddaa inay ka ka gaabsadaan magacaabista Ururka ADAL, iyagoo dareensan inay kaalintii looga baahnaa ka soo bixi waayeen. Haddaba markaad u dhabo gasho waxa ragaadiyey ururkii ADAL, ayaa waxan ogaaday inay jiraan arrimo badan  oo sababay inuu Ururkaasi shaqayn waayo, isla markaana la xidho xafiisyadii uu ka furtay magaalada Boorama.

Inkasta oo aanay masuuliyiintii Ururkaasi loo xilsaaray iyo guddi loo yaqaanay Boardkuba aanay waxba iiga sheegin sabobaha curyaamiyey ururka, waxa ii caddaatay in arrimahaha ugu waaweyn ee ururkaasi la shaqayn waayey ay mid ahaayeen kuwo la xidhiidha Siyaasad, dhaqaale darro iyo kuwa beeleed.

Shaki kuma jirin in markii la aasaasay Ururkani aanu maamulka Dawladda ee G/Awdal ku farxin maadaama warbixinihii macaanaa ee loo diyaariyey in ururkani u hawlgalo ay ahaayeen fursado wax qabad oo dawladdu lumisay, sidaa darteedna ay dareemeen in Urukani soo bandhigi doono magac xumada horumar la’aanta dawladdu keentay. Tan labaade bilowgii Ururkan lama siin wax dhaqaale ah oo uu ku hawlgalo ee waxa la faray in ururku diyaarsadaan weelkii wax loogu soo shubi lahaa. Waxa ururku samaystay xafiisyo, shaciyona wuu soo bandhigay, aqoontii lagu hawlgeli lahaana qaby ahaan way diyaarsadeen, balse arimahaasi ma noqon kuwa dhaqaajiya hawlihii Adal looga fadhiyey, iyadoo dadkii loo xilsaaray Hargeysa iyo meelo kale u shaqo tegeen.

Tan saddexaad oo ah  arrinta ugu xasaasisan, ayaa ah mid la xidhiidha dhinaca maamulka, aqoonta iyo saami qaybsiga maamulka Ururka ee ardaayada beelaha Samarroon. Arrinta la dareemi karo ee ururkaasi la socon waayey, ayaa ugu dambayntii waxay ka soo dhexbaxday xubnaha Boordka iyo maamulka sare oo khilaaf soo kala dhexgalay ka dib markiilagu eedeeyey in masuulkii ugu sarreeyey ee ururka ADAL loo magacaabay, masuulkaas oo la yidhaa Maxamed Cali Bidaar (Qamaan) uu ururkii jeebka ku ritay, kana dhigay wax reer ama beeli leedahay.

Waxa kale oo Guddoomiyaha Ururka Adal Maxamed Cali Bidaar lagu eedeeyey in aanu Siyasad ahaan anu la socon Soomaaliland, meelo kale ku xidhanyahay, sidaa darteedna raggii la shaqaynayey ka niyad jabeen, isla markaana ay xidheen xafiiskii ururkaasi, taas oo sababtay inaan wax qaadhan ah soo gaadhin ururka tan iyo markii la aasay.

Dhinaca kale xubno ka mid ah Guddiga ururka ADAL, ayaa si hoose iigu sheegay in lagu degdegay magacaabista guddoomiyaha, oo aan loo eegin aqoontiisa heerkiisa dhaqaale iyo waayo aragnimadiisa maamul, iyadoo dhinaca kalena ay jiraan rag aqoon leh oo shaqo hoose looga dhiibay Ururka, guddigii boardka ahayd ee wax kala saari lahaydna ay noqotay mid jilicsan oo aan go’aan gaadhi karin.

Si kastaba ahaatee waxyaabaha keenay burburka ururkii ADAL, ayaa loo aanayn karaa kalala qaybsanaanta hadhaysay beelaha samarroon, taas oo ay qaarkood isu arkaan inay hadi iyo jeer dulmanyihiin, iyada oo beelahan dareensan inay dulmanyihiin u arkeen inaan ururka lala  wadaagin maamulkiisa, halka qaar kalena isu qaateen inaan la’aanood ururkani socon karin. hagar daamada ku dhacday ururka ADAL ayaa waxay tusaale fiican u noqon kartaa faraqa u dhexeeya riyada qurbajooga iyo xaqiiqada ka jirta gudaha wadanka. Waxa kale oo ay dhibaatada ururka ADAL ku dhacday farta ku fiiqaysaa hadii aan degdeg xal loogu helin faraqa siyaasadeed ee sii ballaadhanay una dhexeeya beelaha Habar Samaroon. Taas oo saamayn weyn ku leelatay wax kasta oo la soo hadal qaado.

Maxamed Cumar, (Hyena)
Harowo.com, Boorama, Somaliland
Email:
moshimu@hotmail.com

Login