June 7, 2007

G/Ku-xigeenka G/Awdal Oo Furay Aqoon-Isweydaarsi Ku Saabsan Abuurista Iskaashatooyinka Beeraleeyda

Boorama, (Harowo.com) June 7, 2007 - Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Awdal, Cabdi Nuur Sugaal ayaa maanta magaalada Boorama aqoonisweydaarsi ku saabsan sidii loo abuuri lahaa iskaashtooyin beeralay u furay in ka badan 4 xubnood oo ka kala socday beerlayda Degmooyinka Boorama iyo Saylac.

Aqoon-isweydaarsigan oo ay  iska kaashadeen  hay’adda waddaniga ee horumarinta beeraha Awda ADO, iyo Hay’adda NED, soconna  doona muddo laba casho ah, ayaa furitaankiisii waxa kasoo qaybgalay Maayarka Degmada Saylac Maxamed Cumar Xaddi(cawad) iyo martisharaf kale.

Guddomiye ku-xigeenka G/Awdal, Cabdi Nuur Sugaal oo furitaankii aqoon-isweydaarsigan ka hadlay  ayaa beeraleyda ka qaybgeleysa ku baraarujiyey baahida loo qabo wax soo saarka dhinaca beeraha iyo sida loogu baahanyahay in la samaysto iskaashatooyin beeraley ah oo ilaa heer gobol  ah, inta laga gaadhayo mid qaran, si loo difaaco beeraleyda, loogana ilaaliyo khasaaraha had iyo jeer kasoo gaadha tartanka suuqyada ee midhaha usoo go’a.

Cabdi Nuur Sugaal waxa kale oo uu u mahadceliyey ciddii soo qabanqaabisay aqoon-isweydaarsigan, gaar ahaan Hay’adda waddaniga ah ee ADO, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa ay ka muuqato waddaninimo, dadkoodana ku baraarujinaya wax soo saarka iyo suuqgeynta midhaha ay beertaan.

Duqa Degmada Saylac Maxamed Cumar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa beerleyda ka soo qaybgashay aqoon-isweydaarssigan, gaar ahaanna kuwa ka yimi degamada Saylac, ayaa waxa uu u sheegay in tababarada caynkan oo kala ah looga baahanyahay Hay’adaha kale, kuna daydaan ADO kuwaas oo uu ku tilmaamay inay dhinaca beeraha wax weyn u kordhiyeen, dadkii ka soo noqday xeryaha qaxootiga ee Itoobiya iyo Jabuuti.

Wuxuu maayarku beerlaleyda Degaanka saylac ka timid xusuusiyey dhibta ay usoo mareen socdaalkoodii Boorama ay ku yimaaddeen, sidaa darteedna looga bahanyahay inay aqoon-isweydaarsigan kala noqdaan aqoon iyo talooyin ay ku biiriyaan dadka ku nool degaanka ay ka yimaaddeen.

Warbixin ku saabsan ujeedada laga leeyahay aqoon-isweydaarsigan iyo dedaalkii loo soo maray hirgelintiisa, ayaa waxa ka warramay Madaxa Hay’adda waddaniga ah "ADO" ee Gobolka Awdal Xasan Xuseen Nuur, wuxuuna Xsan ka hadlay in aqoon-isweydaarsigani yahay kii u horreeyey ee noociisa ah ee ay gobolka ka qabanqaabiyaan, isla markaana la gaadhsiin doono dhammaan tuulooyinka iyo degmooyinka Gobolka, si loo abuuro iskaashtooyin tayo iyo manaafacaad u leh beeraleyda gobolka.

Maxamed Cumar, (Hyena)
Harowo.com, Boorama, S/Land
Email:
moshimu@hotmail.com