June 6, 2007
Ciidanka Amniga Boorama Oo Beeniyey War Lugu Daabacay Wargeyska Haatuf
Boorama, (Harowo.com) June 6, 2007 - Ciidanka nabadgelyada degaanka Boorama ayaa beeniyey inay weerareen guryo ku yaal magaalada Boorama oo ay ku jiraan dad kasoo firxaday dagaalada ka socda magaalada Muqdisho, degaaladaas oo u dhexeeya Dawladda C/laahi Yuusuf iyo xooggagga kagasoo hojeeda muqdisho.
Sarkaal sare oo tirsan ciidanka amniga, ayaa beeniye war ku saabsan in ciidankoodu doraad weerareen guri ku yaal Boorama, warkaas oo lagu daabacay wargeyska Haatuf, wuxuuna ku tilmaamay war an sal raad toona lahayn, isla markaana ah been qaawan oo lagu xumaynayo sumcadda ciidanka iyo magaaladaba Boorama.
"Ma jirto cid ka tirsan ciidamada kalal duwan ee Boorama ka hawlgala oo weeraray guryaha ay ku jiraan dadkaasi kasoo firxday dagaalka Xamar, kuwaas oo naga mudan inaan soo dhaweynno. Waan so dhaweynaynaa cid kasta oo ka tirsan dadka soo qaxay oo aan wax u dhimayn nabadgelyada magaalada, waana siyaasadda Soomaaliland iyo shacbigeeduba isku raacsanyihiin inay u geystaan wax dhibaato ah dadkaasi, isla markaana ay u qabtaan wixii ay u qaban karayaan".
Sarkaalka u hadlay ciidanka amniga Boorama ayaa waxa kale oo uu Haatuf ku canaantay inay had iyo jeer baahiyaan warar aan dan u ahayn shicibka iyo ciidanka amnigaba, sidaa darteedna waxan usoo jeedinaynaa ayuu yidhi "inayna dadka kala dilin".
Waxa kale oo uu sarkaalkaaku u hadlay ciidamada amnigu inta raciyey "in dadweynaha Boorama iyo ciidankuba ay ilaaliyaan arrimaha bani aadnnimada ee ku saabsan dadka kasoo cararaya dagaalada ee soo magan gala Boorama ama Soomaaliland inteeda kale, haddii aanay wax nabadgelyodarro ka abuurayn dalka".
Maxamed Cumar, Hyena
harowo.com, Boorama, S/land
Email: moshimu@hotmail.com






