June 4, 2007
Xildhibaan Cali Gabiley Oo Beeniyey Hadalo Saxaafaddu Ka Qortay Inuu Yidhi
"Waxaan golaha ku leeyahay cadaw badan oo doonaya inay sumcadayda…" X. Cali Gabiley

Hargeysa (Harowo.com) June 3, 2007- Xildhibaan Cali Obsiiye (Cali Gabiley) oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladda ee laga soo doortay gobolka Hargeysa balse beel ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa si weyn maanta u beeniyey war ay warbaahinta qaarkood ka qoreen wuxuuna ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin oo la doonaayo in sumcadiisa wax lagu dhimo.
Mudane Cali Obsiiye (Cali Gabiley) oo caawa fiidkii kula soo xidhiidhay khadka telefoonka gacanta shabakadda Harowo.com ayaa ku tilmaamay hadaladaasi isaga laga sheegay qaar aanay waxba ka jirin oo la doonaayo in isaga shakhsiyadiisa lagu dhaawaco "waxaan golaha ku leeyahay cadaw badan oo doonaya inay sumcadayda dhaawacaan, somaliland aniga cidi igama xigto somalilandna waxba ku leeyahay igamana suurtagal aha inaan idhaahdo kelmadahaasi, balse nimanka aniga cadawga ii ah waxaan leeyahay waar ilmadeerayaal aniga waxba taasi igaga qaadi maysaan, somalilandna aniga idinkaga lexo jeclo badan, waar ka daaya dadka qabaylaadani iyo qudhunkan iyo waxan aad gelinaysaan" ayuu yidhi Mudane Cali Obsiiye Gabiley.
Cali Obsiiye Gabiley oo aanu weydiinay inuu kelmadaasi ama mid u eg afkiisa ka soo saaray wuxuu yidhi "maya eh xaasha waa la iga been samaynaya, berigii lagu jiray doorashadii golaha wakiiladda ayaa nimanka noocaas ahi waxay isku kaayo diri gaadheen aniga iyo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha wakiiladda C/casiis Samaale, aniga waxaa la igu haysta ee la igu cadaawadaysanaya waa adiga oo reer Awdal ah maxaad uga soo baxday Hargeysa, kuwa sidaasi leh waxaan u sheegaya in ay cidlo jibaxayaan, dalkani waan ka dhashay waan u dhashay, waxaa iyaga qalbigooda ay la doonayaan ayey doonayaan inay aniga igu xoqaan" ayuu yidhi Cali Gabiley.
Wergeyska Ogaal ayaa cadadkiisii maanta soo baxay wuxuu ku sheegay in Xildhibaan Cali Obsiiye (Gabiley) ay ka soo baxeen hadalo ku lidi ah madax bannaanida somaliland markii la dhameeyey fadhigii sabtidii ee lagu ansixinaayey xubnaha koomiishanka ka dib markii xubintii gobolka Awdal lagu reebay cod qaadistii golaha wakiiladda.
Mudane Cali Gabiley ayaa ah mudanaha keliya ee deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal balse ka soo baxay gobolka Hargeysa, isagoo kaalinta seddexaad ka gallay cododkii gobolka Hargeysa ee Xisbiga UDUB.
Dadweynaha maalintii sabtidii usoo daawasho tagay kambuulka hore ee xarunta wakiiladda oo ay ka dhegaysanayeen cododka
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com

