June 4, 2007

Madaxweyne Rayaale Ayaa Kulan albaabadu U Xidhanyahiin La Yeeshay Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Melez Sanawi

Hargeysa (Harowo.com) June 3 -2007- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo hadda ku sugan caasimadda Waddanka Ethiopia ee addis ababa ayaa xallay kulan albaabadu u xidhanyahiin wuxuu la yeeshay ra’isal wasaaraha xukuumadda Ethiopia Melez sanawi, haddaba Madaxweyne Ayaa Kulan albaabadu U Xidhanyahiin La Yeeshay Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Melez Zenawi.

Warsaxafadeed lagu faah faahinaayo kulankaasi dhex maray labada hogaamiye ee somaliland iyo Ethiopia oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge oo la socda wefdiga madaxweynaha ayaa isagoo dhamaystiran wuxuu u dhigna sidani:
 
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu caawa kulan ay albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Ethiopia, Mudane Males Zenawi, kullankaasi oo ka dhacay   Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Ethiopoia. Waxa Madaxweyne Rayaale iyo Ra’iisal Wasaare Males Zenawi ay ka wada hadleen arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin, xidhiidhka saaxiibtinimo, ka ganacsi iyo arrimaha Siyaasadda ee ka dhaxeeya labada waddan ee jaarka ah, iyo sidii xidhiidhkaa loo sii xoojin lahaa.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Weftiga uu hogaaminayo oo maanta galabnimadii ka soo degayu Garoonka dayuuradaha ee Magaalada Addis Ababa waxa si diiran halkaasi ugu soo dhaweeyay, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda ee Ethiopia, Mudane Ato Tekede Alemu iyo Madax Sare Sare oo ka socota Dawladda Ethiopia.

Madaxweynaha iyo weftigiisu oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale wali waxa u sii socota kulamadii ay ku lahaayeen Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa".

Mohamed abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email:
diridhaba@gmail.com