June 1, 2007
Xalaada Caafimaad ee Degmada Allaybaday!
Xaalada Caafimaad ee Degmada ALlaybaday: Waraysi Aan La Yeeshay Maamulaha MCH Ka Allaybaday Cali Maxamuud C/laahi (Cali (Haasoo)
Su’aal: Ka waran Xaalada MCHka ?
Jawaab: Runtii xaalada MCHku way fiican tahay si fiicana way u socotaa.
Su’aal: Shaqaale intee leegbaa ka hawlgala MCHka?
Jawaab: Shaqaalaha MCHku guud ahaan waa 7 qof oo kala ah 5 xirfadla yaala , waashmaan iyo nadiifiso.
Su’aal: Imisa qaybood ayuu u qayb sanyahay MCHku?
Jawaab: wuxuu qaybsan yahay shan qaybood oo kala ah, Qaybta bukaan socodka dadka waawayn iyo caruurta ka yar shanta sano,Xanaanayta Hooyooyinka Uurka leh iyo lasocodka xaalada caafimaad ee hooyada umushay,Qaybta Talaalka iyo koriinka caruurta, Qaybta shaybaadhka, iyo Qaybta dawooyinka.
Su’aal: Shaqaalaha ayaa mushaarka siiya?
Jawaab: Shaqaalaha waxa Mushaarka siiya Haayada bisha case sidoo kale waxa jira qaar ka qaata dhinaca Wasaarada Caafimaadka iyo bisha casba.
Su’aal: Mudadan ay bisha cas gacanta ku haysay Maamulka MCHka iyo Mudadii hore isbadal intee leeg ayaa u dhaxeeya?
Jawaab: Runtii muddan ay bisha cas gacanta ku hayso horumar fiican ayuu ku talaabsaday MCHku wuxuuna daryeelay adeegii caafimaad ee bulshada loo qabanaayay.Tayada shaqada iyo shaqaaluhuna kor bay u kacday waayo Haayada bisha cas ee MCHka gacanta ku haysaa shaqaalaha waxay siisaa Tabaro aqoon korodhsiya sidoo kale waxay u kormeertaa si joogta ah sidda ay shaqadu u socoto,Waxa kale oo jirta in bishii afar jeer aaanu u baxno OUT REACH kuna soo dawayno dadka deegaanka, dawaduna ay bilaash tahay, taasina aanay hore u jirin ee ay deegaanka ay gaadhi jireen Talaalka caruurta oo kaliya ahi, waxa kale oo bisha casi ay MCHka ku soo biirisay xubin cusub oo wacyi galin ka sameeya faafitaanka cudurka HIV AIDSka xubintaasi oo aan ku koobnayn Magaalada ee ka hawlgala dhamaan deegaanka.
Su’aal: Wax Haayado kale ahi ma uga horeeyeen gacanku haynta Bisha cas Mchka?
Jawaab: Haa way jireen haayado kale oo ka shaqayn jiray MCHka inkastoo ay muddo ka soo wareegtay, Taasi oo haayadii ugu danbaysay la odhan jiray GERMAN EMERGENCY DOCTORS ( GED) oo ay ka tagtay degmada 2001,intaasi wixii ka danbeeyay waxa gacanta ku hayn jiray MCHka Wasaarada Caafimaadka , Maamulka degmada iyo Guddida Caafimaadka ee degmada
Su’aal: Tusaale ahaan Bishan Xanuunada u badan ee aad dawayseen ma ee sheegi kartaa?
Jawaab: Haa xanuunada u badan ee aanu dawaynay bishan waa xanuunada ku dhaca habdhiska neefmareenka, Maqaarka iyo kuwa ku dhaca Habdhiska macdanta.
Su’aal: Dr cali waxa aad lasocotaa in ay xiligan tahay xili roobaad, markaa ilaa hada ma aragteen qof qaba cudurka duumada?
Jawaab: maya maanaan arag waayo kaneecadu waxay ka dhalataa deegaankeenan ilaa bisha siddeedaad markaa may gaadhin wakhtigeedii kaneecadu dhalanaysay.
.jpg)







Wariyaha UHWA :ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)
DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND
Telefon: + 2522357702
Email: hilqadm@hotmail.com
Ururka Horemarinta Waxbarashada ASAASIGA/ALLAYBADAY.
Ahmed Abdi BAKAAL Gudoomiye GUUD (Somaliland)
Abdi H. Muhumed, Gud. Laanta Norway ( acconka: 26850750253 DNB Nor)
Abdi Dahir Gole, Gud. Laanta London (Acconka: Dahabshiil-London)
Mowlid Aw Abdi, Gud. Laanta Birgimham (acconka: Kash ayay ku ururiyaan)
Khadar Badde, Gud. Laanta USA ( acconka: Xawaalada, Mustaqbal)
Acconka: Denmark:4420-4420036078 DDB, Sweden: 8420-903747460-9 Swedbank, Finland:150435-80133 France: 1462210C, Kash: Canada, Yemen, UAE, Saudi-Arabia, Bristol iyo Cardif.
Acconka GUUD: D0518 (Dahabshil, Hargeisa). www.allaybaday.com






