June 1, 2007
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Muddo Dhawr Casho Ahba Ku Hawlanaa Xalinta Khilaafyo Ka jira G/Awdal
Boorama, (Harowo.com) June 1 -2007- Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Cirro ayaa xalay ku laabtay Hargeysa ka ddib markii uu magaalada Boorama kaga hadhay afar wasiir oo horkacayey wafdi shiine ah oo macdanta ku takhasusay, kuwaas oo lagu casumay, magaalada Qulujeed.
Wasiirka Gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa saddex casho oo uu joogay Boorama ku jiray xallinta mashaakil daba dheeraaday oo hore loogu waayeye xal lagu wada qanco. Wasiirka gudaha oo saddexdaa casho u dembaysay joogay xafiiska Gobolka Awdal ayaa waxa uu ka shaqaynayey sidii loo demin lahaa arimo khuseeya khilaaf la sheegay inuu weli ku kala dhex jiro Maayarka magaalada xildhibaanada golaha degaanka qaarkood iyo xoghaya Dawladda Hoosee.
Khilaafkan oo weli hortaagan hawlo badan oo magaalada loo qaban lahaa balse maamulka Golaha degaanku isku afgaran waayeen, ayaa waxay dib u dhac ku riday adeegyadii loo qaban lahaa dadka ku nool magaalada Boorama.
Dhinaca kale wasiirka ayaa la sheegeyaa inuu kulammo kala gaar gaar ah la yeeshay dad isku haya beero, jagooyin iyo arrimo kaleba, kuwaas oo muddoba xalkooda lagu wareeray, taasina ay sii xoojisay khtarta ka iman karta in dhiacyada isku haya khilaafyada kala gedisani iska hor yimaaddaan .
Wasiirka arrimaha Gudaha mudane C/laahi Ismaaciil Cali Ciro waxuu si gaar ah ula hadlayey ciidanka amniga Boorama iyo madaxda gobolka wuxuuna ka codsaday sidii ay isku aamin uga kasban lahaayeen dadweynaha si wax loogala qabto nabadgelyada.
Wasiirka ayaa sidoo kale la sheegeyaa inuu talooyin ka bixiyey sidii loo damin lahaa colaada ka aloosan laba beelood oo wada degta kililka shanaad gaar ahaanna jiidda Harawa, iyada oo xoogga la saarayo sidii loola kaashanlaha labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland.
Maxamed Cumar, (Hyena)
Harowo.com, Boorama, Somaliland
Email: moshimu@hotmail.com






