May 31, 2007
Xaflad Weyn Oo Loo Sameeyey 27 iyo 31 May Oo Kala Ahaa Maalmahii SNM Xoreeyeen Burco iyo Hargeysa Ayaa Lagu Qabtay Xallay Hotelka Maansoor Ee Hargeysa
Hargeysa (Harowo.com) May 31 -2007- Xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb galleen saraakiishii ururkii SNM, Siyaasiyiin, xildhibaano, masuuliyiin, agoomahii SNM iyo dad tiradoodu ay kor u dhaafaysay 200 oo qof oo lagu xusaayey maalmahii 27-kii ilaa 31 May sannadkii 1990-kii oo ahayd maalmahii ururkii SNM ay gacanta ku dhigeen magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa xallay ka dhacday hotelka Maansoor ee Caasimadda Hargeysa.
Xafladani oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa hadalo ka jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka waramay taariikhdii maalmahaasi iyo halgankii qadhaadha ee Ururka SNM ay ku guulaysteen ugu danbayntii inay ka adkaadaan Dawladdii xukunka adkaynt ee Maxamed Siyaad barre, Mudane Siilaanyo wuxuu sheegay in wakhtigaasi laga dagaalamay wuxuu ku tilmaamay, cabudhin, cagajuglayn, xasuus iyo dirsooc lagula kacay ayuu yidhi Shacabka Somaliland, taasi ayaanay keentay ayuu yidhi axmed Siilaanyo in ay ururkii SNM ka dhiidhiyaan isla markaana ay ka hor yimaadaan ayuu yidhi quwadii afrikada madoobayd oo ula jeeday Xukuumadda Maxamed Siyaad Barre.
Guddoomiye Axmed Siilaanyo wuxuu uga digay Xukuumadda M/weyne Rayaale inay ku soo celiso somaliland wuxuu ku tilmaamay wixii laga dagaalamay oo ahayd ayuu yidhi cabudhin iyo in tallo wadaaga dalka cid keliya ahi u taliso.
Dhinaca kalana waxaa uu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isla markaana ahaa Guddoomiyahii ugu muddada dheera ururkii SNM uu uga digay Xukuumadda Somaliland iyo beesha Caalamkaba midaw danbe oo somaliland la gasho Soomaaliya "waxaa aanu uga digayna beesha caalamka iyo xukuumadda Somaliland inaan markale la soo hadal qaadi karin midnimo soomaaliyeed oo shacabkani ku hungoobeen, waxaananu usoo jeedinayna beesha caalamka inay aqoonsadaan waxay shacabkani go’aan ku gaadheen" ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa 8 xubnood ee sannadkii 1981-kii ku aas aasay ururkii SNM magaalada London ee xarunta dalka ingiriiska, Eng. Maxamed Xaashi wuxuu ka waramay milgahii taariikheed ee ururka SNM iyo guulahii ay ka soo hooyeen halgankoodii ay ugu jireen dibu xoraynta Somaliland, Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu ku eedeeyey Xukuumadda M/weyne rayaale inay khasaarisay waa sida uu hadalka u dhigaye tacabkii mujaahidiinta SNM, wuxuuna ku tilmaamay xukuumadda M/weyne rayaale mid ay isku bahaysteen wuxuu ku tilmaamay kooxo shacabka ka shaqaysanaya isagoo taasi ka hadlaya wuxuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi "wixii tacab ahaa, wixii dhiig loo daadshay dalkani, intaasi oo hooyo oo ku agoomawday ama ku naafowday, maanta waxaad mooda inaynu khasaare ka joogno ilaahay kama dhigo eh, waxaa dalkii isku bahaystay niman dhuuni raaac ah, oo laba qaybood ahaa qaybi waa basaasiintii siyaad barre, qaybta kalana waa nimankii caqligoodu caloosha ahaa ee xaaran cuna mooyaane aan wax kale garanayn, waana dhib badan runtii, waxaana looga baahanyahay shacabku inay si miyir qabta maanta uga tashaan" ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
Waxaa isaguna halkaasi hadal kulul oo canbaarayn iyo weerar iskugu jiray ka jeediyey Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa saraakiishii dhinaca militeryga ee Ururkii SNM, wuxuuna aad u weeraray xukuumadda M/weyne rayaale oo uu ku tilmaamay inay tahay mid damqaysa nabaro badan shacabka somaliland.
dhinaca Xisbiga tallada dalka haya ee UDUB ayaa waxaa u hadlay Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale duur oo ka mid ah guddida dhaqaalaha ee golaha wakiiladda isla markaana ah xubin guddida fullinta Xisbiga UDUB ah, wuxuuna ku baaqay in laga midoobo cayda, aflagadooyinka, xiqdiga iyo xaalad abuurka, wuxuuna Mudane Caraale soo jeediyey inaan la khasaarinin tacabkii SNM, isla markaana wuxuu ku tilmaamay hadalada siyaasiyiinta somaliland qaar fekerka ka xumaynaya da’yarta somaliland.
Waxaa halkaasi sidoo kale hadalo ka jeediyey Xildhibaan Marwo Ikraan Xaaji Daa’uud oo hadalkeedu u badna in la saxo wixii khalad ahaa ee la gallay, waxaanay ugu baaqday M/weyne rayaale inuu soo celiyo wada shaqayntii golayaasha qarranka. Waxaa iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyey qaar ka mid ah haweenkii ku agoomoobay halgankii Ururkii SNM iyo qaar ka mid ah caruurtii ay dhaleen saraakiishii ururkii SNM ee ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiye ku shahiiday dagaaladii 27 May ee lagu xoreeyey magaalada Burco iyo kii 31 May ee lagu xoreeyey Caasimadda Hargeysa.
Waxaa iyaguna xafladdani ka soo qayb gallay mudanayaal iyo saraakiil ka tirsan Xisbiga UCID balse kama ay hadal munaasabadaasi. Munaasabadda ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Ururka Mutadawaciinta ee SOOYAAL.
Mid ka mid ah Caruurtii Mujaadiintii Ku Geeriyooday dagaalkii 31 may sannadkii 1990-kii ee SNM ku xoraysay Hargeysa
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com


