May 31, 2007
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Warbixin Ku Saabsan Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland Ka Horjeediyey Golaha Guurtida
"Ethiopia waa dalkii ugu horeeyey ee baasbortka somaliland aqoonsada ee aynu ugu dhoofno, waa dalka keliya ee somaliland safaarad ku leh abaal ayeynu isku hayna"
"Carab Waa la yaqaana waxaa lagu khuukhiyo, laakiin innaga cid weliba siyaasadeenu waa u ehel, cid kastana waynu soo dhawaysanaynaa"
"Markii M/weynaha Telefoonkiisu Qarxay, Ayuu Igu Yidhi Waar C/laahi Orodo Diyaaradani Shaydaanka Ah Soo Raadi Aniguna Soo Waayay"
"Anigu maraykan waxbaan ku bartay waxaanan kala soo noqday Dhaqan Fiican iyo akhlaaq suuban…"
Hargeysa (Harowo.com) May 31 -2007- Wasiirka arrimaha dibadda jamhuuriyadda Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Ducaale ayaa maanta warbixin dheer oo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda ee somaliland ka hor jeediyey golaha guurtida Somaliland ka dib markii Wasiirka iyo guddida arrimaha dibadda ee golaha guurtidu ay yeesheen kulan saacado qaatay maanta.
"Maraykanku wuxuu nagu yidhi ha ku dhex milmina oo yaanay idin uskakagayn shirarka Soomaalidu" C/laahi Maxamed Ducaale Wasiirka arrimaha dibadda.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee somaliland ay wakhtigani marayso halkii ugu fiicna, wuxuuna sheegay in markii ugu horaysay qaddiyadda Somaliland lagaga hadlay shirkii dhawaan ay yeesheen Ururka Midawga Afrika, Mudane Ducaale Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland wuxuu sheegay in dhawaan shirkii lagu qabtay dalka Rwanda ee ay iskugu yimaadeen madaxda midawga afrika uu kulan kula yeeshay Xoghayaha jaamacadda Carabta Caamir Mussa.

Isagoo wasiirku arrintaasi ka hadlaya wuxuu yidhi "waxaa wax lala yaabo oo fajiciso ah oo muujinaysa qaranimada dalkani inay hirgashay berigii dhawayd ee aanu joognay shirkii Midawga Afrika ayaa waxaa farriin isoo diray Xoghayaha jaamacadda Carabta oo shirkaasi ka qayb gallaayey, si deg deg ah ayaan ugu tagay waxaanu yeelanay kulan socday ugu yaraan 2 saacadood, markii aan u imid ayaan ku idhi waar aniguna waxaan doonaayey inaan ilaa Qaahira usoo lugeeyo!! waaba ilaahay mahadii, ninkaasi si fiican ayaanu u wada hadalnay waxyaabo badan oo mugdi kaga jirayna waan u bildhaamiyey, wuxuuna ballan qaaday inuu soo diraayo Wefdi balaadhan oo ka socda Jaamacadda Carabtu inay Hargeysa yimaadaan, arrin kale oo aanu kala hadalnay oo ahayd inay aqoonsadaan dalalka carabtu baasboortkeena, wuxuu nagu yidhi, maadama aad baasboortkiina ku tagteen dalal badan oo afrika iyo yurub ah, annaguna waanu ka fiirsanayna, markaa wuxuu igu yidhi waxaan kala tashanaya dalalka xubnaha ka ah jaamacadda Carabta (Arab League Member States)".
Wasiirku isagoo la hadlaya dalalka Carabta wuxuu yidhi "carab waxaynu nahay dad aynu dhinac badan ka ehelnay, waxaynu nahay dad carab ah, waxaynu nahay dad dhaqan ahaan iyo diin ahaan aynu iskaga mid nahay, markaa waxaan leeyahay carab cidna ka xigtaysan mayno"
Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi "Somaliland cid wal oo danteedu ku jirto waa la hadlaysa, dadbaa malaha yidhaahda maxaa carab dhinaca kale looga wareegi waayey ileen waa la yaqaana waxaa lagu khuukhiyo eh, midbaan doonaya inaan cadeeyo, innaga cid weliba waa inoo ehel, inagaana dan leh oo dalalka dunida ka doonayna aqoonsi, aqoonsigana laguma hello inaad cid gaar ah marti u noqoto, cid kasta oo inoo ehel ah min qarbi ilaa sharqi waynu soo dhawaynaynaa" ayuu yidhi Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland wuxuu ammaan iyo mahad balaadhan usoo jeediyey Guddoomiyaha Ururka Midawga Afrika Mudane Cumar Alpha Konare oo uu sheegay inuu dedaal badan ka gallay qaddiyadda madax bannaanida Somaliland isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi "horta maalintii qaddiyadeena afrika ay bilaabantay waxay ahayd markii M/weynaheena Daahir Rayaale uu addis ababa ugu tagay Guddoomiyaha Africa Union-ka Alpha Cumar Kanore ee uu madaxweynahu la garnaqsaday ee uu ku yidhi annaga lanama yidhaahdo Soomaaliya, waxaanu nahay qarran xoriyadiisa hellay 60-kii oo xuduudahiisa caalamiga ahina weli ku jiraan buuga dastuurka afrika, horta maalintaasi ayaa albaabkii afrika inagaga gudbana uu furmay, waxaana uu Mudane Kanore, halkani inoogu soo diray xubno ka socda koomiishanka isagoo markaasina ballan qaaday xita haddii ay xubnaha ururka midawga afrika ka cagajiidaan inuu inoo soo dirayo xubno sar sare oo ka socda koomiishanka afrika.

Wuxuu halkani inoogu soo diray ku xigeenkiisa, si fiican ayey warbixino uga diyaariyeen, waa kuwii inala kulmay oo golahani uu ka mid ahaa, si fiican ayey daraasad wanaagsan inooga diyaariyeen waxaa la hor dhigay african union Summit-kii kal hore ee 2006-dii, warbixintaasi wax badan ayey ka bedeshay siyaasadeenii afrika, waxaynu ku yeelanay afrika saaxiibo farabadan, waxaanan qaba in goor aan fogayn waxaynu sugaynay uu dhaboobayo, horta midbaasi quman inaynu fahano, arrintani aqoonsigu ma dhib yara waa jaran jaro, hab iyo qorshe ayey leedahay, waxaanse qaba haddii aan ku celiyo inaanay fogayn maalintii ay beesha caalamku ka dhawaajinaysay waxaynu xaqa u lahayn" ayuu yidhi Mudane C/laahi Maxamed Ducaale.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland wuxuu ka waramay siyaasadda Ethiopia ee ku wajahan Somaliland isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi "horta waxaad mooda inaynu inagu gacmaheena isku gawracayno, Ethiopia waa dal aynu leenahay daris wanaag, waxay halkani ku leeyahiin Xafiis heer safaaradeed ah waa dawladda keliya ee xafiis diblomasiyadeed Somaliland maanta ku leh, waxaa ku qoran gawaadhida ay wataan liisanka diblomaasiga Somaliland oo ah dalkii ugu horeeyey ee aynu siino, waxaa halkani inala jooga Safiir dawladda Ethiopia meelo badan safiiro uga soo noqday, waxaanu ula macaamila oo ay noola macamilaan sida laba qarran oo siman oo xidhiidh wanaagsan leh, Ethiopia waa dalkii ugu horeeyey ee basboortkeena aqoonsada oo maanta si xor ah loogu tago looguna dhex maro, maalin dhawayd ayaan tagay addis ababa markaan halkani (Hargeysa) ka baxay ayaa jaraa’idkeenu waxay qoreen Ethiopia iyo maraykan ayaa heshiisinaya Cabdilaahi Yuusuf iyo Somaliland, horta waxba isku soo hagaagayo Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Zium Mesfina waan la kulmay oo mar walba oo aan ethiopia tago waanu kulanaa.
Waxaanan kulan la yeeshay Ambassador John Yates oo ah nin runtii caqiibo leh oo aanu saaxiib ahayn, laakiin wallaahi ayaan ku dhaartaye wax soomaaliya iyo somaliland ku saabsan inaanay nala soo qaadin, haa mandaqadda iyo xaaladda ka taagan waa iska waraysanaynay, argagixisada waanu kala hadalnay oo waxaanu u sheegnay in annagoon cidna gacan kaga helin aanu la dagaalano oo uu waddankayaga ay xor ka tahay, mid ayaan doonaya inaan shaaca ka qaado, markii aanu kulanka la lahayn diblomaasiyiinta maraykanka waxay noo sheegeen oo ay na yidhaahdeen ha ku dhex milmina oo ha ku fasakhmina shirarka soomaalida yaanay idin uskagayna waa farriinta aanu ka hellay maraykan, haa dabcan su’aalo waanu isweydaarsanaynay waxay na yidhaahdeen ka warama midaw danbe oo aad soomaaliya la gashaan, waxaanu ku nidhi baabacadda cad timo may ka soo bixi, waanay nagu booriyeen" ayuu yidhi Mudane C/laahi Maxamed Ducaale.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo Mudane ka tirsan golaha guurtidu uu weydiiyey diyaarad maalmahii ugu danbaysay dul heehabaysay hawada sare ee magaalooyinka Somaliland iyo wuxuu ka ogyahay diyaaradaasi wuxuu yidhi "(qosol), mid ayaan idiin sheegaya hawada sare dee waa iska furantahayo waa hawada cid weliba iska marayso, inaguna ma xakamayno, laakiin innaga dhibaad mooda inuu gudaheena jiro, Cabdilaahi Yuusuf ayaa idaacadda B.B.C-da la yidhaahdo ka hadlaya oo odhanaya Soomali ma kala maarmi karto somalilandna ma go’i karto, dadkeenu cadho ayey qarxayaan muraaradilaac, hadda waa hadal nin yidhi, diyaarad ayaa ina dul maraysa waxaa la isla dhex maraya halkani ayuu maraykanka ka soo baxaya oo cabdilaahi yuusuf ayuu taageraya oo Ethiopiankii ayaa la og, waar adeerow mid ayaan doonayaa inaan idiin sheego oo iga wallaahi ah, cid weliba dunida maanta waa inala saaxiib, Cabdilaahi yuusuf-na inaga ka xigna, cid ina soo weeraraysa iyo cid inala col ah iyo cid inagu soo xadgudbaysa midna ma jirto.
Tani diyaaradda, madaxweynaha lala soo hadlay, telefoonkii madaxweynahu markii uu qarxi gaadhay ee saqdii dhexe hurdada madaxweynaha laga tuusiyey ayuu ii yeedhey wuxuu igu yidhi waar cabdilaahi bal shaydaankani hawadeena sidaasi u dul maraysa soo ogow, waaba shaydaan eh, halkani ayaan ka baxay dalalkii inala dariska ahaa iyo dalalka kale ee mandaqadani saldhigyada ku leh ayaan la hadlay oo aan ku idhi diyaaradaha na dul maraya wax ma ka ogtahiin, waa ila yaabeen, haddaba waxaan leeyahay hawada inagu ma maamulo, cid inagu soo xad gudbaysa ama waxyeelo ah oo ay inoo leedahay ma jirto, aniguna shaydaankii soo waayey" ayuu yidhi C/laahi Maxamed Ducaale
Warbixintaasi ka dib Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Ducaale wuxuu mid mid uga jawaabay shan su’aalood oo ay weydiiyeen mudanayaasha golaha guurtidu, haddaba su’aal aad u xiiso badnayd oo su’aalahaasi ka mid ahayd ayaa waxaa weydiiyey Guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada Mudane C/qaadir Axmed Xasan (Indho Indho), waxaanay su’aashaasi u dhignayd " Wasiir waxaa dad badani kugu tiriyaan inaad tahay maraykan muddo badana ku soo noola, waxna ku bartay markaa saaxiibnimadeenii maraykan miyaad u taag wayday?
markii mudanahu uu su’aashaasi weydiiyey ayaa mudanayaasha golaha guurtidu qosol la dhaceen waxaana uu wasiirka Arrimaha dibadda somaliland kaga jawaabay sidani "C/qaadir waad mahadsantahay, horta mid ayaan kuu sheegayaaye anigu maraykan ma ihi, jinsiyad maraykan ahna ma lihi, somalilander ayaan ahay, haa waa runta waxbaan ku bartay waxaanan kala imid maraykan akhlaag iyo dhaqan fiican oo aan ilaa hadda wato, dadka maraykanku waa shacab fiican oo wanaagsan oo dad la dhaqan leh, midda aad i tidhi miyaad u taag wayday, maya uma taag waayine weli waan ku jira hawsheeda wakhtigeedaanay iman doonta" ayuu yidhi C/laahi Maxamed Ducaale.
Su’aal kale oo la weydiiyey ayaa ahayd "Waxaa jira dad badan oo isla dhex mara markaad safaradda dibadda u baxdaan rag ayaa idinka daba baxa oo waxaad ka soo hadasheen wax kale idinka daba yidhaahda oo mucaaridku ka mid yahay taasi ma jirta" Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Ducaale wuxuu kaga jawaabay "aniga ogaalkay taasi ma jirto, waxaan ogahay in qaddiyadeena somaliland aynu si isku duubni ah iskaga kaashanayno, inaga dhexdeena haa oxoga isku tuur tuur ah iyo xafiiltan waa ina dhex yaalla, balse siyaasadda arrimaha dibaddu waxaan qabaa inay tahay National Issue, taasina waxaan qaba inaanay jirin dalka oo dhan siyaasi mucaarid ah iyo ku muxaafid ah waxaan qaba inaanu gacmo wada jir ah dedaal ugu jiro ka midho dhalinta qaddiyadeena" ayuu yidhi Mudane C/laahi Maxamed Ducaale.
Fadhiga saaka ee golaha guurtida ayaa waxaa guddoominaayey guddoomiyaha golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com

.jpg)

