May 28, 2007

M/weyne Rayaale Oo La Filaayo Inuu U Ambabaxo Dalka Sweden, Isla Markaana La Kulmo Ra’isal Wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt

Hargeysa (Harowo.com) May 28 -2007- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Mudane C/laahi Maxamed Ducaale ayaa lagu wadaa in 4-ta Bisha June ee foodda inagu soo haysa ay u ambabaxaan dalka Sweden iyagoo halkaasina kulano kula yeelan doona madaxda dalka Sweden, xubnaha Xisbiyada dalka Sweden iyo Jaaliyadda Somaliland ee dalka Sweden.

M/weyne Rayaale ayaa intaanu gaadhin dalka Sweden wuxuu ku sii hakan doona Caasimadda Waddanka Ethiopia ee addis ababa halkaasi oo uu kulano la yeelan doono Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia Ato Zium Mesfin iyo madaxda dalka Ethiopia.
 
Socdaalkani M/weynaha ayaa sida ilo xogogaal ahi tibaaxayaan wuxuu ka danbeeyey martiqaad M/weynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu ka hellay Xukuumadda Dalka Sweden, waxaanu M/weynahu sida la filaayo uga mahad celin doona dalka Sweden go’aankii dhawaan ay qaadatay ee ahaa inay Somaliland ula macaamili doonto sidii qarran madax bannaan, waxaana la filayaa inuu M/weyne Rayaale kulan la yeesho Ra’isal Wasaaraha Hon Fredrik Reinfeldt iyo wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Sweden Hon. Carl Bildt, M/weyne Rayaale ayaa kala hadli doona labada masuul xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Sweden isagoo ka dalban doona in Xukuumadda Sweden ay xafiis diblomaasiyadeed ka furato Caasimadda Hargeysa.
 
Sida aanu ku hellayno ilo xogogaal ah oo u dhuun daloola Qasriga madaxtooyada Somaliland wuxuu M/weyne Rayaale ka ambabaxi doona Caasimadda Hargeysa 4 Bisha June isagoo socdaalkaasi qaadan doona toban maalmood.
 
 
Wixii Warar ah kala soco Shabakadda Harowo.com
 
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email:
diridhaba@gmail.com