May 26, 2007

“Cid Ku Xadgudubta Qaranimada Somaliland Waxaa La Horkeenaya Sharciga”: Waraysi Wasiirka Arrimaha Gudaha C/laahi Ismaaciil Ciro.

Hargeysa (Harowo.com) May 26 -2007- Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdilaahi Ismaaciil Cali Ciro ayaa digniin u jeediyey cid alla iyo ciddii isku dayda inay magaca somaliland ku matasho wuxuu wasiirku ku tilmaamay shirar ku sheegyada lagu laf jabinaayo qaranimada Somaliland.

Waxaa uu sidoo kale Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Ciro uu uga digay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir inaanu wax u dhimin sharaftiisa, wuxuuna wasiirku sheegay inaanay xukuumadda Somaliland marnaba aanay kala hadli doono wuxuu ku tilmaamay wax kasta oo qaranimada somaliland wax u dhimaya cid kale.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cabdilaahi Ismaaciil Cali Ciro wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu maanta weraysi khaas ah siiyey Shabakadda Harowo.com weraysiga Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland wuxuu u dhacay sidani:
 
Su’aal: Mudane Wasiir Cabdilaahi Ismaaciil waxaa dhawaan ka soo baxay Cali Mahdi Maxamed oo dhawaan C/laahi Yuusuf u magacaabay inuu madax ka noqdo shir lagu qabanayo muqdisho oo la sheegay in lagu heshiisinayo Soomaalida in lagu martiqaadadyo madax dhaqameedyada somaliland arrintaasi sideed u aragta?
 
Jawaab: Xukuumadda Somaliland hore ayey mawqifkeeda u caddaysay, mawqifka Xukuumadduna waxaa weeyaan, Somaliland waa qarran madax bannaan, waana wax laga yakhyakhsiyoodo waxaa nimankaasi toodiiba burburiyey ay maanta ugu baaqayaan somaliland, annaga xukuumad ahaan mid ayaa nooga taalla cid kasta oo ku xad gudubta masiirka qaranimada Somaliland, taasina waa in la mariyo sharciga iyo dastuurka qarranka iyo xeerarka golayaasha, muwaadin kasta oo somalilander ahi sheekh iyo shariif, caalim iyo mid weyni waa u simanyahiin xeerka, ciddii ku xad gudubta qaranimada dalkanina waxaa la marsiinaya wuxuu sharcigu dhigaayo.
 
Su’aal:
Laakiin Mudane Cabdilaahi intii uu Cali Mahdi ku dhawaaqay hadalkaasi waxaa isa soo taraya guuxyo tibaaxaya in golaha salaadiinta kooxo ka mid ahi iay isku diyaarinayaan  shirkaasi taa ma ka warqabtaan?
 
Jawaab: sidaan hore kuugu sheegay xeerka iyo qanuunka dalka u yaalla waa loo simanyahay sheekh iyo shariif mid yar iyo mid weyn ciddii ku xad gudubtana waxaa la marsiinaya wixii dastuurku dhigay waxaana la hor keenaya cadaaladda.
 
Su’aal:
aan ku fududeeyo Wasiir hadalka eh waxaa jira Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka mid ah salaadiinta beelaha Somaliland inuu ku gacan saydhay go’aankii golaha guurtida ee ahaa in lagu qaado khaayimul qarran cidi tagta shirka Muqdisho, wuxuuna sheegay Suldaan Maxamed inaan cidina ka hor istaagi karin hadalkaasi siduu kugu dhadhamaya?
 
Jawaab: Waxaan filayaa inuu hadalkaasi yahay mid isaga ku kooban, cid uu ku matalayaana ma jirto, shacabka somaliland waxaa ka wakiil ah xukuumadda iyo golayaasha.
 
Su’aal:
Laakiin Wasiir hadalkaasi ka soo baxay afka Suldaanka oo weliba sheegta inuu yahay suldaanka beesha ugu weyn Somaliland sidee u muuqan karaa?
 
Jawaab: Cid allaala iyo cid uu ku matala ma jirto, shacabka sidaan kuu sheegay waxaa ka wakiil ah waa xukuumadda oo ay doorteen, suldaanka aad sheegaysaana yaanu sharaftiisa wax yeelayn, waxaanan qabaa inuu hungurigiisa ka hadlay ee aanu wax kale ka hadlayn.
 
Su’aal: Sidee ayuu saamayn ugu yeelan karaa ayey kula tahay shirkani somaliland, waxaa laga qabaa in Carta markii uu shirkeedu ka socday Jibouti ay dad badani oo dalkani u dhashay tagayaan, haddana markii danbe ay cafis xukuumaddii M/weyne Cigaal soo weydiisanayeen maxaad u qorshayseen inaad kaga hortagaan?
 
Jawaab: Markasta xukuumadda Somaliland waxaa ka go’an ilaalinta qaranimada iyo midnimada somaliland, inaga somaliland wax inaga khuseeya ayaaban jirin, ama shir ha qabsadeen ama ha ku kala yaaceen, somaliland markasta mawqif cad ayey ka taagantahay arrimaha soomaaliya, waxaana weeyaan marka la helo dawlad ay dadkeedu doortaan soomaaliya ah ayaa loo wada hadlaya sida laba dal oo ah somaliland iyo soomaaliya waxaa laga wada hadlayaana waa arrimaha u dan ah labada dal sida jaarnimada, daris wanaaga iyo wax wada qabsi labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, inta ay isku jacbursanyahiin waxaan qabaa inay qiimo dhac ku tahay cid kasta oo ka dhalatay somaliland inay intay ugu tagaan docdaasi gubanaysa ay yidhaahdan somaliland ayaanu ku matalayna, xukuumaddu waa ka warqabta, cid ay wax ku dhimaayana ma jirto somalilandna kuwaasi waxba kuma yeelayaan, balse sharaftooda iyo karamadooda ha u tudheen ayaan leeyahay.

                                                                     Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cabdilaahi Ismaaciil Cali "Cirro".
 
 
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email:
diridhaba@gmail.com

Login