May 25, 2007

Wasiirka Beeraha Somaliland Ayaa Maanta Ka Warbixiyey Aafadda Uu Ayaxu Uu Ku Hayo Somaliland.

Hargeysa (Harowo.com) May 25 -2007- Wasiirka wasaaradda Beeraha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadan Maxamed Dhoolayare oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa wasaaradda beeraha Somaliland ayaa ka warbixiyey Ayax dhawaan ku habsaday gobolada dalka kaasi oo uu sheegay inuu khasaare door ah soo gaadhsiiyey dhul daaqsimeed ku teedsan gobolada Awdal, Hargeysa iyo Saaxil.

Mudane Dhoolayare wuxuu sheegay in wasaarad ahaan ay xoog badan saareen sidii ay wax uga qaban lahaayeen ayaxa ku habsaday qaybo ka mid ah balse aanay awood buuxda u lahayn inay ayaxaasi ka buufiyaan goobahii uu ku habsaday isagoo taasina sabab uga dhigay awood yaraan haysata "waad ogtahiin oo waad la socotaan awoodda dawladdu intay tahay, ma lihin qarran ahaan diyaaraddaha  buufiya ayaxani oo kale, balse waxaa xidhiidh naga dhexeeya haayaddaha qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ah oo xafiisyo ku leh hargeysa sida FOA, iyagaananu hawshani kala hadalay isla markii ayaxu uu ku habsaday dhulka xeebta ah, iyaguna waxay na yidhaahdeen diyaarad buufisa ayaanu nairobi idiinka dalbanayna balse nasiib darro ballantii waa oofin waayeen" ayuu yidhi Mudane Dhoolayare
 
Wasiirka Beeraha Somaliland Mudane Dhoolayare wuxuu sheegay inuu booqday deegaanadii uu ayaxaasi ku habsaday wuxuuna sheegay in khasaaraha uu gaystay ayaxu uu ka sahlanyahay sidii ay markii hore moodayeen isagoo sheegay wasiirku inuu ayaxaasi khasaare laga kaban karo soo gaadhsiiyey dhul daaqsimeedkii uu ku habsaday "horta waxaa ilaahay mahadii in ayaxani oo ku habsaday markii hore dhul balaadhan oo aanu annagu is nidhi khasaare balaadhan ayuu gaystay, kaanu hadda soo aragnay uu ka sahlanyahay sidii hore, %30 ama wax kayar ayuu khasaarahu ku koobanyahay waana mid laga kaban karo" ayuu yidhi Wasiirku.
 
Wasiirka oo faah faahin ka bixinaayey waxyaabaha sababay inuu ayaxu kolba meel u guuro oo ku habsado wuxuu yidhi "ayaxu kolba wuxuu u guuraayey oo la socday dhinaca ay dabayshu ku socoto, waxaa ka sii darna ugxaan badan oo uu watay kaasi oo meesha uu ku dhallaba uu rucub kale ama raxan kale ka sii xanbaaraayey isla markaana uu meesha kale tagaayey".
 
Bishii hore ayey ahayd markii ayaxani lagu arkay Xeebta waqooyi ee somaliland isagoo markii danbana ku habsaday gobolada Awdal, Hargeysa iyo Saaxil, wuxuuna sheegay Mudane Dhoolyare inuu hadda u gudbay dhinaca xeebta oo uu markiisii hore ka yimid.
 
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email:
diridhaba@gmail.com