May 22, 2007
Golaha Guurtida Oo Ansixiyey In Danbi Khiyaamo Qarran Ah Lagu Qaado Muwaadinka Somalilanderka Ah Ee Ka Qayb Galla Dibu-heshiinta Muqdisho
Hargeysa (Harowo.com) May 22 -2007- Fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland ayaa lagu ansixiyey Xeerkii sannadkii 2003-dii golayaasha qarranku soo saareen ee ahaa in lagu qaado danbi khiyaamo qarran muwaadin kasta oo ka hor yimaadda madax bannaanida Somaliland, waxaana ay mudanayaasha golaha guurtidu ansixiyeen in lagu qaado xeerkaasi cid kasta oo somalilander ah oo ka qayb galla waxaa loogu yeedhay shir lagu qabanaayo Muqdisho oo dibu heshisineed.
Xeerkani ay mudanayaasha golaha guurtidu dib ayidaada ku sameeyeen ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo warbaahinta lagu faafiyey in Kooxda Embigathi ay ku martiqaaday Somaliland wax lagu sheegay shir dibu heshiisneed oo uu madax ka yahay Hogaamiye kooxeedka Cali Mahdi Maxamed.
Xeerkani ay mudanayaasha golaha guurtidu dib u ansixiyeen ayaa wuxuu dhigaya in lagu qaado Danbi khiyaamo qarran cid kasta oo ka qayb gasha ama taageerta sifo kasta (Qawl, Ficil ama abaabul, qoraal) cid kasta oo ka qayb gasha shirar doceedyada u gaarka ah Soomaaliya, waxaa lagu qaadaya Danbi khiyaamo qarran.
Fadhiga saaka oo ay joogeen 41 Mudane waxaa Xeerkani dib u ayiday oo Haa ugu codeeyey 40 Mudane, 1 Mudane ayaa diiday cid ka aamustayna ma jirin, guddoomiyahuna sida sharcigu dhigaayo ma codaynin.
Xeerkani ayaa dib ayidka dhinaca golaha guurtida waxaa maanta ogaysiin ahaan golaha guurtidu u diray golaha salaadiinta, cuqaasha, boqorada somaliland, Maxkamadda Sare, golaha Wakiiladda iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin si loo dhaqan geliyo isla wakhtigani.
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com






