May 21, 2007

Shir-Guddoonka Labada Aqal Ee Guurtida Iyo Wakiiladda Oo Kulan La Yeeshay Waftigii Barlamaanka Ghana Ka socday

Hargeysa (Harowo.com) May 21 -2007- Wefdigii Baarlamaanka Dalka Ghana oo maalmahii ugu danbeeyeyba ku sugna somaliland ayaa maanta abaaro 10:00 waxay kulan la yeesheen Shir Guddoonka labada aqal ee wakiiladda iyo guurtida Somaliland.

Kulan wada jir ah oo labada aqal ku sooryeeyen Wefdiga Baarlamaanka dalka Ghana oo ka dhacay xarunta shirarka ee golaha guurtida ayaa hadal dheer waxaa mudanayaasha labada gole uga jeediyey guddoomiyaha wefdiga ahna guddoomiyaha guddida arrimaha dibadda Baarlamaanka dalka Ghana Hon Adusa.
 
 Mudane Adusa wuxuu u mahad celiyey dhammaanba shacabka Somaliland, Xukuumadda iyo golayaasha qarranka oo uu sheegay in ay si weyn oo diiran ugu soo dhaweeyeen somaliland, Mudane Adusa wuxuu sheegay in ay somaliland u leedahay xaq goboleed iyo mid caalami ahba inaan la iska indho tirin ayuu yidhi xaqiiqda dhabta ah ee taalla gudaha somaliland waxaanad gaydaan ayuu ku yidhi mudanayaasha labada aqal in aad heshaan aqoonsi buuxda oo caalami ah "waxaan indhahayaga ku soo aragnay horumarka baaxadleh ee aan la dafiri karin ee aad mudanayaal iyo marwooyin aad gaadheen, waxaa xaqdarro weyn ah oo aad looga naxo in la idinku qasbo midnimo aad eedeen oo dhicisawday, waxaanu la tagi doona dalkayagii annaga oo xanbaarsan xaqiiqda aanu ku aragnay Somaliland" ayuu yidhi Mudane Adusa.
 
Mudane Adusa wuxuu sheegay in ay ku tahay wax mucjiso ah qarramada afrika iyo dhammaanba beesha caalamku inay isku indha tiraan waxaad qabsateen, "maaha keliya inaad xaq u leedahiin balse waxay beesha caalamka iyo afrika idinku dulumtay waxaad qabsateen, xaq la idiinkuma laha in masiirkiina lagu xidho meel aanay waxba ka soo naaso caddayn, waxaan qaba in qof kasta oo damiirleh uu ka dhiidhiyaayo in waxaad qabsateen aan waxba la idiinku tarin, waxaana xaqiiq ah inaanu farriin dhab ah u gudbin doono madaxweynaha dalka Ghana iyo golaha Baarlamaankaba" ayuu yidhi Mudane Adusa.
 
Waxaa isaguna kulankaasi wada jirka ah ee labada gole ku martiqaadeen mudanayaasha baarlamaanka waddanka Ghana hadal ka jeediyey Guddoomiyaha golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, wuxuuna uga mahad celiyey wefdiga sida qiimaha mudanleh ee ay ugala qayb galleen shacabka somaliland munaasabaddii sannad guuradda 16-aad ee madax bannaanida qarranka,wuxuuna mudane saleebaan ku dhiiri geliyey mudanayaasha baarlamaanka dalka Ghana inay wax kala qabtaan somaliland geedi socodka iyo dedaalka ay ugu jiraan ayuu yidhi inay ka mid noqdaan qaramada dunida "waxaanu u hayna sharaf weyn oo aanan weligayo iloobayn dalkii uu ka dhashay halgamaagii, odaygii qarran ee Afrika Nakruuma, waxaanan qaba inaad walaalayaal wax weyn nagala qaban doontaan halgankayaga" ayuu yidhi Mudane Saleeban.
 
waxaa fadhiga ka qayb gallay Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Mudane C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha guurtida Mudane Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Wakiiladda Mudane C/casiis Maxamed Samaale, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiyayaasha guddi  hoosaadyada golayaasha labada aqal.
 
Wefdiga ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda dalka ka ambabaxaan, waxaa xusuus mudan oo wefdigani Baarlamaanka Waddanka Ghana ku wehelinaaya safarkooda Suxufiin ka socota Labada Telefishan ee Ghana. National TV iyo Africast TV.


 
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email:
diridhaba@gmail.com