May 19, 2007
Mad. Rayaale Oo Khudbad Dhinacyo Badanle Ka Jeediyey Fagaaraha Beerta Xorriyadda Munaasabadda 18 May
Bismilaahi Raxmaani Raxiim: Waxaan ku bilaabayaa salaanta islaamka marka u horaysa Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wa barakaatuhu.
Waxaan Salaan u soo jeedinayaa dhammaan sadexda Gole Qaran Ciidamada qaranka, Axsaabta Qaranka, mujaahidiintii SNM iyo Wefdiga sharafta mudan ee Ghana iyo cidkastoo nagala soo qayb-gashay Xafladeenan.



“Walaalayaal Qadyadeena Somaliland ee goonisutaago waa muqadas lama taabtaan ah ciddii wax kale sheegaysaa ee carqalad iyo tashwiish kula dhexjirtaana inaga mid-maaha ee halo ogaado – hala ogaado ”.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ummadda reer Somaliland ee ku baahsan daafaha Dunida oo dhan Rag, Dumar, yar iyo waynba.
Waxaan illaahay uga baryayaa inay ku naaloodaan nabad iyo nolol fiican, Illaahayna waxaan ka baryayaa sannadkan sannadkiisa inuu inagu gaadhsiiyo horumar iyo barwaaqo aynu dhammaanteen ku naaloono iyo madax-bannaanideena oo caalamkoo dhammi aqoonsado.
Haddaba, markaan dib u milicsano taariikhada sooyaalka ee aan soo maray waxa inoo suuro-gashay in waxyaabo badan oo horumar-ihi aan ku talaabsanay, laga soo bilaabo 1991-kii waxa xusid mudan hirarkii wajiyadda kala-gadisan lahaa ee loo soo maray xorayntii dalka, nabadayntii beelaha Somaliland, dhisidii Dawladino sharci ku dhisan, samayntii Dastuur Qaran iyo taabo-galintii Diimoqraadiyada ee maanta aynu ku naaloonayno, caalam kuna inagu ammaanayo.
Waxaynu kaga soo gudubnay heerka aynu marayno, isku-duubni, tallo-wadaag, isqancin iyo isqadarin. Inkastoo guulahaa gaadhnay, waxa markastiba mudnaan leh in aan ogaano waajibaadka ina sugaaya, kuwaasi oo aan ku soo koobi-karo qodobadan:
1. Dib u dhiska Hay’adaha Qaranka.
2. Kobcinta ilaha dhaqaalaha ee inoo abbuurmay.
3. Ka faa’iidaysiga khayraadka Dalka
4. Shaqo abbuurista da’yarta
5. Soo jiidashada Maal-gashiga shisheeyaha oo aasaas u ah kobcinta dhaqaalaha.
6. Kor u qaadida waxbarashada ummada iyo caafimaadkooda.
7. Fayo-dhawrka Deegaanka iyo Aasaarta.
8. Kor u qaadista sayladaynta Magaca Dalka iyo himiladeena.
9. Adkaynta nabad-galayada dalka iyo tan muwaadiniitaba.
10. Fidinta Maamulka iyo tayeynta ciidamada aminga oo la siindoono mudnaanta kowaad si ay ugu sahlanaato xil-gudashadooda.
Haddaan dib idiin xasuusiyo, Khudbaydii aan Golaha Wakiilada ka jeediyey kulankoodii u horeeyey waxaan bixiyey tilmaamo badan inkastoo sidii aan ku taliyey aanay inta badni inoogu hirgalin.
Taasi oon isleeyahay himiladaasi sidii aan rabnay inoogumay fulin asbaabtu si kastiba ha ahaatee. Sidaa darteed, waxa si niyad sami ah u soo jeedinayaa inaanu wakhti dambe inagaga lumin khilaaf, balse aan u wada shaqayno si wadaninimo leh oo xilkasnimo leh oo ka turjuma xilka aynu wadaagayno ee ina saran.
Waa in aan u aragnaa xilka qaran mid isku mid ah oo aan si u wada aragno oo waajib ay tahay markastiba iskaashi iyo is qadarin aan ku wada gudano. Inakoo markastiba ku wada fekirayna in waxqabadkeenu xumo iyo wanaagba taariikhda uu ka wada muuqandoono.
Xukuumad ahaan, waxaan balan qaadayaa in markastiba si qadarin leh idiin la shaqayndoono, waxaanan rajaynayaa in idina sidaasi oo kale u wada shaqayn-doono Insha Allah.
Xukuumad ahaan, haddii aan dul mar ku sameeyo waxqabadkii Wasaaradaha gaar ahaan kuwa arrimaha Bulshada waa sidan hoos ku qoran;
I. Wasaaradda Waxbarashada JSL waxay Bulshada u qabatay:
1. Dhismaha Dugsiyada waxbarsho, Arday wax-barata, Manhaj Waxbarasho, Diyaarin Macallin tayeysan, qiimayn iyo Shahaado siin, Kormeer iyo Xog ururin, Dejinta Sharciyada iyo Xeerarka haga Waxabarashada Dalka, Adeega maamulka iyo maaraynta waaxyaha Waxbarasho iyo Kobcinta Deeqaha Waxbarasho.
2. Haddaba horumarka xawliga ku socda ee wasaaradu ku talaabsatay koma soo koobi karno halkan waxaadse ka dheehan kartaan sanadihii 2003 ilaa 2006 waxqabdkoodii Guulaha ay Xukuumadu ka gaadhay waxbarashada waa sidan:
-
Tirada Dugsiyada H/Dhexe ee JSL waa 516 dugsi
-
Tirada guud ee Ardayda Dugsiyada H/Dhexe waa 131,279.
-
Tirada Ardayda dalka ee Dugsiyada Sare waa 13,369
-
Tirada korodhay waa boqokiiba 56%
Tababarradda Macallimiinta:
a) 3,518 Macalin ayaa dugsiyasda Aasaasiga ah wax ka dhiga. waxaana lagu tabobaray dhammaan buugta Manhajka Cusub ee Dugsiyada Aasaasiga ah ee (1-8)
b) 150 macalin oo ka mid ah, waxa Wasaaradu siisay tabobar horaad (Pre-service) 2 sano ah oo ku qaateen Hargaysa oo ah heer Diploma.
c) 124 macalin oo Dalka laga soo xulay waxay 2 sano tabobar ku qaateen Camuud. Dusiyada Sarena ka dhigidoonaan.
d) Waxa Kuliyada/Jaamacadda ka soo qalin jabiyey waa kuwan:
-
Jaamacadda Camuud 142 diploma, 55 digree.
-
Tabarka Macllimiinta Primary Per-service 150
-
Tababrada Macllimiinta Jaamacadaha Hargaysa & Burco (36 hablo ah)
-
Waxa Xusid mudan in Deeqaha Waxbarasho oo heer Jamicadeed ah ay Xukuumadu uga heshay Dalalka ay ka mid yihiin: Ethiopia, Sudaan, Yemen, Ugandha, UK, Kenya iyo Dalka Masaarida. Oo maanta mid walba ay inoogu jiraan ardaydeenii.
-
Waxa la sameeyey Guddida Imtixaanka ee heer Qaran
( National Exmination Board). -
Iyadoo la kaashanaysa Hay’adaha Samofalka waxay Wasaaradu dalka ka hirgalisay Xarumo Quudineed oo tiradoodu dhan tahay 150 Dugsi iskuguna jira kuwa dhaqan galay kuwa hadda hirgalintoodu socoto iyo kuwa qorshaha dhaw ku jira kuna filiqsan dhammaan dugsiyada JSL.
-
Waxqabadkii Wasaaradda Waxbarashada ee garabka Waxbarashada dadban ee 2003-2006 (Non Formal Education).
-
Waxbarashada Caruurta Reer Guuraaga iyo Deegaanada aan tooska u gaadhin (ABE Program).
-
Si lo gaadhsiiyo waxbarasho ubadka Reer Guuraaga, Beeralayd. Xoola-dhaqatada iyo Bulshada Xeebaha ee aanay gaadhin waxay ka hirgalisay deeganaadaasi 34 dugsi.
II. Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay qabatay
-
Wasaaradu waxay ummada uga masuul tahay Nabad-galyadda iyo hagida toosan ee siyaasadda arrimaha gudaha.
-
Si loo sugo nabada iyo Xasiloonida waxay Wasaaraddu hawl-galisay kumanaan ciidanka Booliska ah.
-
Waxay joogtaysay tabobarka Ciidanka Booliska.
-
Sii wadida Mashaariicada ka hortaga iyo la Dagaalanka Argagixisada gudaha iyo tan Caalamiga ahba.
-
Diiwaan-galinta hubka fudud
-
Waxay hirgalisay inay bixiso Magaha dhimasho iyo dhaawac wixii ku yimaada hawlgalka Ciidanka Booliska. Waxa laga rabay inay bixiso 2006kii Sl.Shs 413,000,000/= iyadoo ay kala fogaayeen waxay haysay iyo waxa laga rabay. Wasaaraddu iyadoo mudaanta u kala siisay sida u kala horeeyeen.
-
Degmooyinka dalka waxay ka fulisay mashaariic badan iyadoo la kaashanaysa Dawlada Dhexe iyo Hay’adaha Caalamiga ahba dhismayaal: Cusub iyo kuwo dayactir ahba. Sida Rugo Boolis, Caafimaad Ceelal Biyood Wadooyin iyo dugsiiyaba leh.
Wasaaraddu waxay Safar ugu kicitimeen Dalka Ethiopia waxaanay heshiisyo la soo galeen Dawlada Ethiopia waxaany ku heshiiyeen qodobadan:
a) In Ethiopia siiso Ciidanka Booliska Somaliland Deeqo waxbarasho Booliis-nimo. Kooxdii u horaysayna ay tageen bishan horaanteedii.
b) In Ethiopia inoo soo dirto tabobaryaal Ciidankeena gudaha Dalka ku siiya tabobaro kala duwan.
c) In Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Somaliland ay ka wada shaqeeyaan arrimaha nabad-galyadda Xuduudaha labada Dal.
III. Wasaaradda Mac & Biyaha
Wasaaraddu waxay u xilsaarantahay (Mandate)
-
U fidinta Bulshada Somaliland biyo ku filan oo ka fayaw cudurada biyaha ka dhasha oo dhaqaale ahaana la awoodi karo iibsigooda.
-
Sahaminta iyo soo saarida khayraadka macdanta si loola dagaalmo faqriga, dhaqaalaha dalkana kor loogu qaado.
-
Sahaminta iyo soo saarista khayraadka batroolka iyo dhuxul-dhagaxda si loo sugo istaraatajiyadda mustaqbalka ee qaranka oo ah madaxbanaanida dhinaca dhaqaalaha.
Heerka Biyaha Magaalooyinka:
a) Biyaha magaalooyinku waxay leeyihiin mudnaanta ugu horaysa, waxa laga qabtay waxaabo farabadan meel fiicana way marayaan laakiin ma dhawa mana fududa baahida biyaha Magaalooyinka in la daboolaa.
b) Magaalooyinka Aduunka heerka ugu yar ee la rabo in uu qof kastaa helo waxa weeyi 33.3 Litir qof walba maalintii (lowest urban standard), Markaa dalkeena la eego taasi suurto-gal-maaha inagoo ku jirna dalalka biyuhu aad ka ugu yar yihiin. Iyadoo Wasaaradu taasi ka duulaysa waxay bartil-maameed ka dhigteen inay magaalooyin-keena qofkiiba helo 20 litir maalintii. Hada wakhtigan xaadirka ah isku cel-celiska xadiga ay helaan waa 14-16 litirs maalintii qofkiiba.
c) Biyaha Miyiga:
Dhibaatada ugu wayn waxay ka haysataa dadka reer miyiga ah dhinaca biyaha waxa jiri-jiray dalka:
129 Ceel oo riig oo baddan-kooda loo adeegsado Miyiga 60% dib ayaa loo hagaajiyey, 30% waxay u baahan yihiin in la badelo. 10% waxay u baahan yihiin dib u hagaajin.
d) Waxa kale oo jira ceelal kale oo farobadan oo iyaguna hal-bawle u ah Tuulooyin iyo Deegaano dalkaahba.
Hadaba, Xukuumadu way ku darsatay qorshaha wax qabad mustaqbalka dhaw iyo ka fogba si wax looga qabto dhibaatada Biyaha dadka ka haysta miyi iyo magaalo.
Dhinaca waxqabadka Batroolka:
Wasaaraddu waxay heshiisyo bilawo ah dhinaca sahanka batroolka kala xaajootay shirkaddo Caalami ah waxay dabo-gal iyo hubin ku samaysay heshiisyaddii socday.
Waxay Wasaaraddu ku talo-jirtaa in la sii wado lana gabo-gabeeyo hawlaha la xidhiidha baadhista iyo horumarinta baatroolka ee heshiisyadooda la bilaabay sanadihii hore.
Dhinaca Tabobarada & Shirarka Dibadaha ee Baatroolka:
-
2005 & 2006 Waxay Wasaaraddu ka qayb-gashay shirkii AAPG ee sanadlaha ahaa ee America lagu qabtay
-
2006 kii ka dhacay Australia
-
2007 waxa u qorshaysan in ay ka qayb-galaan mid ka dhici-doona Dalka Talyaaniga.
IV. Wasaaradda Caafimaadka:
Wasaaradu waxay ummada ugu xilsaarantahay daryeelka Caafimaadinta yar iyo waynba. Ka hortaga cudurada faafa, iyo kuwa aan faafinba.
Waxaaradu waxay dhammaan gobolada iyo Degmooyinka ka dhistay iyadoo la kaashanaysa Dawlada dhexe iyo Hay’adaha Caalamiga ahba dhismayaal sida Rugo Caafimaad. MCH iyo gobo Caafimaad iyo shaybaadho.
Waxay kaloo fulisay siminaaro wax ku ool ah, qaar tabobaro iyo qaar waxbarasho taam ahba sida Kalkaaliyeyaasha, Dhakhaatiir.
Waxa Wasaaradu ku dedaashay inay dibadaha uga hesho deeq waxbarasho.
Siyaasadda Arrimaha dibada:
Waxaan kaloo dulmar ku samaynayaa Siyaasadda Arrimaha Dibada meesha ay marayso. Waxaad ogtihiin sanadihii u dambeeyey ay Xukuumadu dedaal aan kala go’lahayn ka waday Afrika iyo Urub iyadoo awoodeena dhaqaale ay xadidnayd, haddana waxaan isleeyahay guulo badan ayaa laga soo hooyey oo aad markhaati ka wada tihiin.
Waxa ugu dambeeyey Safarkii Axsaabta Qaranka iyo Wakiiladu ay ku soo mareen Dalalka Afrika kuwaasi oo iyakuna qayb ka ahaa in qadyadeena gaadhsiino Walaalaheena Afrika iyaka oo xoojiyey dedaalka awalba Xukuumadu waday, talooyin badana oo ay keeneen aan tixgalin siin-doono.
Dedaalka siyaasadda waxa inoo barbar-yaala sidaan horeba u balan-qaaday in aan raadino maal-galinta Shisheeye kuwaasi oo natiijada ka soo baxday aad Insha Allaahu dhawaan indhihiina ku arki-doontaan waxna ka bilaabmi-doonaan.
Waxa Baryahan dambe Magaalada Hargaysa gaar ahaan ka dhaca qaraxyo aan dhibaato gaysan. Waxaan u arkaa falakan dadka ku kacaayay inay yihiin cadawga kowaad ee Somaliland.
Sidaa darteed, muwaadiniinta Somaliland waxaan ku baraarujinayaa inay Ciidanka Aminga gacan ka siiyaan sidii loo soo qaban lahaa daka arimahaan ku kacaaya. Waa dad ku talojira in ay nabadii aanu u soo marnay wadada dheer wiiqaya oo dhabarka ka jabinaaya una adeegaya cadawga Somaliland khatarna ku yihiin jiritaankeena,
Rag iyo dumar waxaan ku boorinayaa inay soo sheegaan cidda ay ku tuhmaan waxaasi. Hanna la ogaado inay yihiin Cadaw halis ku ah jiritaankeena.
Aduunka manta aynu ku nool nahay hadii aan milicsano gaar ahaan mandaqadeena waxa ku jira dhibaatooyin baahsan oo nabad-galyo-daro.
Sidaa darteed, Shacbi iyo Xukuumadba waxa ingu waajib ah in aan feejignaano, xoojinona midnimadeena iyo wada-jirkeena. Sababtoo dalka ay jaarka nahay meelaha dagaaladu ka jrinaa waxa inagaga iman kara kuwo nabad la socda oo caadi ah iyo kuwo ku soo dhuunta oo nabadeena wax yeeli kara. Sidaa darteed waa in la feejinaadaa.
Arinta Beriga Somaliland, waatii ay tageen Wafdigii uu hogaaminaayey Madaxwayne-Ku-Xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxaanay keeneen taloyin wakhatiga dhaw iyo wakhti fogba wax lagaga qaban karo. Waxaanay Xukuumadu u xilsaridoontaa cid ku sugnaata jiidaas oo isku dubarid hawlahaas lagaga mido-dhalinaayo.
Waxa fooda inagu soo haya Doorshooyinkii labaad ee geedi socodka Diimoqraadiyadeena curdinka ah.
Sidaa darteed, Golaha Wakiiladda JSL waxaan si qadarin leh ugu boorinayaa in sida ugu dhakhso badan ugu dhammaystiraan ansixinta Komishanka Qaranka oo soo dhammaystirmay si ay u dardar-galiyaan hawl-galkooda iyadoo mudo dhawr bilood ah inaga luntay, wakhtiguna inagu gaaban-yahay. Si aan wakhti dambe inooga lumin. Wakhti ku filan diiwaan-galinta Cod-bixiyeyaasha loo helo.
Guud ahaan Ummadda Reer Somaliland waxaan u soo jeedinayaa guddo iyo dibadba in aan u midawno qadyadeena , khliaafka iyo naqdinga aan waxba inoo tarayn aan iska dayno. Sababtoo ah dagaalka horteena yaala aynu cuddud midnimo aan kaga gudbayno.
Waxaan halkan mahad u soo jeedinayaa Baarlamaanka Afrika ee Dalkeena u yimid taageerada qadyadeena sidii Baarlamaanka Kenya iyo kan Ghaana ee maanta inagala qaybgalaaya Xafladeena qaaliga ah.
Waxan kaloo u mahad-naqayaa Beesha Caalamakam Afrika, Urub America iyo Aqoon-yahanada ku kala firidhsan Aduunyada ee taageera qadyadeena.
Waxaan Ummadda u jeedinyaa baaq midnimo iyo wada jir aan danaheena meel uga soo wada jeedsano.
Waxaan Illaahay ka baryayaa in Sanadkan Sanadkiisa ku gaadhno nabad, horumar iyo qaranimo buuxda oo taam ah.
Wa Bilaahi Tawfiiq






