May 16, 2007
Shirka Isbaahaysiga Mucaaradka Awdal Ee Minnesota Oo khilaaf Ba’ani Soo Kala Dhex Galay.
Miniapolis, Minnesota (Harowo.com) May 14 -2007- Sida ay ilo xog ogaal ah oo ku dhaw maamulka shirka isbaahaysiga mucaaradka Awdal u xaqiijiyeen Harowo.com waxa khilaaf maaro (xal) loo waayey soo kala dhex galay gudiga maroorsatay qabanqaabada shirka oo la filayo inuu ka dhaco magaalada Miniapolis, Minnesota bisha June 15-17keeda.
Khilaafkan oo ku saabsan furitaanka shirka oo sida uu qorshu ahaa loogu talo galay in ay furaan, khudbadda ugu horeysana (Keynote Speeker) ka jeediyo mid ka mid ah laba aqoonyahan ee walaalaha ah ee ilmo Ismaaciil Samatar (Axmed iyo Cabdi), ayaa laga cabsi qabaa inuu saameyn ku yeesho wada jirka Isbaahaysiga macaaradka Awdal. Fikradan oo ay go’aamisay gudidii hore ee qabanqaabada shirka intii aan la maroorsan, ayaa waxa ku gacan saydhay qaar ka mid ah gudiga cusub ee shirka afduubtay.
Sida ilahan xog ogaalka ahi ay haatan tibaaxayaan, waxa murankan ku gacan sareeyey kooxda diidan in ay shirka furaan labada aqoonyahan, sidaa darteedna labada macalin ma furayaan shirka, kamana hadlayaan. Xurguftan ku saabsan labada aqoonyahan oo dhalisay walaac badan, shaki iyo eed ka dhex aloosanta maamulka shirka, ayaa keeni karta in uu wiiqmo iskaashigii ka dhexeeyey laba garab ee mucaaradka Awdal.
Isbaahaysiga mucaaradka Awdal oo ka kooban taageerayaasha xisbiga kulmiye ee gobolka Awdal iyo kooxaha u ololeeya Somali Weyn, ayaa dad badan oo reer Awdal ahi la yaabanaayeen illaa inta uu waarayo. Qaar ka mid ah dadka siyaasada u kuur gala, ayaa ku tilmaamay baahida ay isu qabaan labada kooxood in ay ka weyntahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexayn kara, sidaa darteedna iskaashigoodu in mudo ah sii jiri karo.
Si kastaba ha ahaate khilaafkan, ayaa soo shaac baxay markii ay taageerayaasha xisbiga kulmiye ee gudiga qabanqaabada shirku ka biyo diideen labada aqoonyahan oo ku sifoobay firfircoonida siyaasadaha la xidhiidha koonfurta somalia.
Go’aanka gudigii hore ee qabanqaabada shirka ay dooneeysay in ay labada aqoonyahan shirka furaan, ayaa ahaa mid la rabay in si wada jir ah la iskaga kaashada horumarka dalka mucaarad iyo muxaafidba. Taageerayaasha xisbiga kulmiye oo iyagu marwalba la soo taagan macangagnimo iyo mayal adeeg, ayaa waxay dhalisay in wax walba siyaasad la galiyo. Taasina waxay abuurtay tafaraaruq iyo kala jab ku yimaada qurba jooga Awdal, halkaana ay ku lunto waxtarkii ay ka geysan lahaayeen baahid ka jirta dalkoodii hooyo.



