May 10, 2007
Xisbiga Mucaaridka Kulmiye Oo Qarka U Saaran Inay Xubintoodii Usoo Magacaaban Axmed Xaaji Cali Cadami Guddoomiyahii Hore Ee Koomiishanka.
Hargeysa (Harowo.com) May 10 -2007- Shir Balaadhan oo guddida fullinta ee Xisbiga Mucaaridka Kulmiye ay galleen maanta abaaro 1:00 Duhurnimo ilaa iyo caawa 7:00 fiidnimo ayaa sida ilo xogogaal ahi u tibaaxayaan shabakadda Harowo.com.
Waxay Xisbiga Mucaaridka Kulmiye kaga arrinsanayeen ciddii ay usoo magacaabi lahaayeen Xubinta dhinacooda ku soo beegan ee ah Koomiishanka doorashooyinka qarranka ka dib markii dorraad ay maxkamadda sare ee somaliland qaraar ay soo saartay ay ku daadafaysay go’aankii golaha wakiiladdu ay ugu kordhiyeen wakhtiga koomiishankii hore.
Sida ilo xogogaal ahi ay u xaqiijinayaan Shabakadda Madaxa Bannaan ee Harowo.com waxaa shirkaasi caawa loogu cod qaaday ciddii uu Xisbiga Kulmiye usoo magacaabi lahaa xubintooda koomiishanka doorashooyinka qarranka iyadoo shirkaasi ay guddida fullinta badankooda sida naloo xaqiijinaayo la isku af gartay in loo magacaabay Guddoomiyahii hore ee Koomiishanka doorashooyinka Qarranka Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami inuu noqdo xubinta Xisbiga Mucaaridka Kulmiye u matali doonta todobada xubnood ee koomiishanka doorashooyinka qarranka, wallow tibaaxahani aanay shabakaddu goob joog u ahayn balse haddana waxaa sidaasi noo xaqiijiyey ilo lagu kalsoonyahay oo goob joog ka ahaa kulankaasi oo lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu balaadhan ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ay muddoonkani danbe iskugu yimaadeen.
Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa haddii uu noqdo xubinta ay Xisbiga Kulmiye usoo magacawdaan koomishanka doorashooyinka qarranka waxaa sidoo kale dhinaciisa laga sugaya inuu aqbalo go’aanka Xisbiga Kulmiye iyadoo wakhtigii ugu danbaysay warsaxafadeed ka soo baxay Axmed Xaaji Cali Cadami uu weli taagna inuu yahay guddoomiyaha rasmi ah ee koomiishankii wakhtigiisu dhamaaday isagoo ku doodaayey wakhtigaasi inay xilka haynayaan ilaa inta la helaayo koomiishan cusub oo xilka kala wareega
Waxaanu idiinku soo gudbin doona sida ugu dhakhsaha badanleh waxyaabaha ka soo kordha arrintani annagoo khadka telefoonka weraysi dhawaan kula yeelan doona haddii alla idmo Axmed Xaaji Cali Cadami Guddoomiyahii hore ee Koomiishanka doorashooyinka qarranka.
kala Soco wixii warar ah ee Soo Kordha Hormoodka Wararka Geeska Afrika iyo Somaliland Harowo.com
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com






