May 10, 2007
Dufcaddii Xoolaha Ahayd Ee Ugu Horaysay Oo Caawa Dhoofsaday Ganacsadaha Sacuudiga Ah
Hargeysa (Harowo.com) May 10 -2007- Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. idiris Ibraahim Cabdi ayaa xallay ka qayb gallay munaasabad balaadhan oo dufcadii ugu horaysay ee xoolaha nool ee somaliland loogu dhoofinaayey Ganacsadaha Sacuudiga Ah ee Al Jaabiri oo dhawaan heshiis dhinaca xoola dhoofinta ah la gallay xukuumadda Somaliland Markabkii Ugu Horeeyey Ee Xoolaha Nool oo Shallay Gelinkii Danbe Lagu Daabulaayo Dufcadii Loo Rarayey.
Xafladdani oo ay ka soo qayb galleen masuuliyiinta heer gobol ee wasaaradda xannaanada xoolaha, isku duwayaasha ganacsatada somaliland iyo weliba saraakiil ka tirsan Shariikadda Aljabiri ayaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland oo hadal ka jeediyey markabkii ugu horeeyey ee loo raray ganacsadahaasi wuxuu sheegay in heshiiska ay la galleen ganacsadahani uu yahay in bishiiba laga qaado waddanka xoolo tiradoodu dhantahay 100,000 oo neef halka sannadkiina loo qorsheeyey ayuu yidhi 1000,000 (Hal Malyuun oo neef), Mudane Dr. idiris Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland wuxuu sheegay inay tahay markii ugu horaysay muddo 9 sannadood ah ee xoolo tiro intaasi le’eg markeliya ay ka wada baxaan gegida ama Dekedda Caalamiga ah ee Magaalada berbera iyadoo xoolaha nool ee Somaliland-na ay xukuumadda Sacuudigu ku soo rogtay cunaqabatayn.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland wuxuu sheegay in heshiiskani uu socon doono muddo shan sannadood ah iyadoo ayuu yidhi muddadaasina ay qoondaysantahay in Somaliland iyo Shariikadda Al Jaabiri ay u dhoofin doonaan sayladaha dalka Sacuudi Arabiya tiro adhi, geel iyo lo iskugu jira 5 malyuun oo neef.
dhinaca kalana ganacsatada xoolaha Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixiyey markabkaasi ugu horeeyey ee xallay loo raray ganacsade Aljabiri waxaana ay sheegeen inuu Somaliland khasaare balaadhan ugu fadhiyo, iyagoo ku tilmaamay masiibadii ugu weynayd ee xoolaha nool ee somaliland soo asiibta, balse Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland ayaa isagu ku tilmaamay arrintaasi mid ay shakhsiyaad gaar ahi doonayaan inay ku cidhib tiraan horumarka iyo heshiiskani oo ay somaliland la gaadhay ganacsadahani.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland wuxuu maanta kormeer ku soo maray Madxafka weyn oo Shariikadda Aljabiri ka dhistay barxadda hore ee Dekedda Magaalada Berbera iyadoo loogu tallo gallay in xoolahu ay ku nastaan.
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com
