May 4, 2007

Kalfadhigii 4-aad Ee Golaha Wakiiladda Oo La Filaayo Inuu Beritoole Furmo

Hargeysa (Harowo.com) May 4 -3007-  Kalfadhigii 4-aad ee golaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah furmo, sidaasina waxaa shabakadda Harowo.com u xaqiijiyey caawa Guddoomiyaha golaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay.

Kalfadhigani 4-aad ee golaha Wakiiladda ayaa waxaa uu golahu geli doona iyadoo ay dalka yaallaan murano sharci oo aafeeyey wada shaqayntii golayaasha dalka sida wakiiladda, guurtida iyo xukuumadda, iyadoo kal fadhigii 3-aad ee golaha wakiiladda wakhtigii loogu kordhiyey koomiishankii hore ee wakhtigu ka dhamaaday sidoo kalana M/weyne rayaale uu kala diray una sheegay in wakhtigu ka dhamaaday.
 
Waxaa kale oo uu ku soo beegmaya kal fadhigani 4-aad ee golaha Wakiiladda Somaliland iyadoo khilaafka dhex yaalla shir guddoonka golaha Wakiiladda iyo M/weyne rayaale uu halkii ugu saraysay maraayo, dhawaan ayaa waxaa hadalo aad u cakiran isku weydaarsaday saxaafadda M/weynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo dhawaan shir jaraa’id oo uu ku qabtay qasriga Madaxtooyada ku weeraray G/xigeenka 1-aad ee golaha Wakiiladda kuna eedeeyey inuu xilka uu ku fadhiyo uga faa’idaynaayo Xisbiga KULMIYE, halka guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Wakiiladduna jawaab uu qadar yar ka dib shirkaasi jaraa’id qabtay ku eedeeyey M/weyne Rayaale masuul dantiisa mooyaane waa sida uu samaale hadalka u dhigaya tu kale aanay maraynin.
 
Kalfadhiga 4-aad ee golaha wakiiladda ayaa sidoo kale waxaa hor yaalla xeerar qabyo ah oo golahu samayntiisa ku guda jiray iyo weliba xeerar kale oo qaybo ka mid ah la gudbiyey kuwa kalana ay qabyo yahiin sida Xeerka diiwan gelinta codbixiyayaasha, Xeerka Ismaamulka gobolada iyo degmooyinka, Xeerka Xuquuqda Caruurta iyo kuwa la mid ah.
 
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Mudane Cabadiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro wuxuu ku wergelinayaa Mudanayaasha golaha ee fasaxa ku jooga gobolada dalka iyo dalka dibadiisaba inay xarunta golaha ku soo laabtaan maadama uu fasaxii ka dhamaaday si ayuu yidhi hawsha qarranka loo sii ambaqaado.
 
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email:
diridhaba@gmail.com