April 24, 2007

Dhakhaatiirta iyo Maamulayaasha Dugsiyada Boorama Oo Ka Shirey Xanuunka (Shubanka Biyoodka)

Harowo.com = Boorama, 23 April - Dhakhaatiirta Boorama, qolyaha Bisha cas ee ka shaqeeya caafimaadka iyo G/xigeenka G/Awdal ayaa maanta hoolka shirarka ee xarunta G/Awdal shir ugu qabtay maamulayaasha dugsiyada boorama. Shirkaas oo loogu sheegay maamulayaasha in magaalada uu jiro calaamadaha xanuunka shuban biyoodku, dad gaadhaya lix qofna u jiifaan cusbataalka Boorama.

Sidaas darteed maamulayaasha lagu wargelinayo in ay Ardayda la socodsiiyaan sidii ay uga digtoonaan lahaayeen xanuunkaas iyo sidii cuntooyinka lagu hor gado dugsiyada ee caruurtu cunto loo saari lahaa daboolka.Waxa kale oo maamulayaasha loo gudbiyay fariin caafimaad oo ku saabsan nadaafada dugsiyada, waxaana lagu booriyay in 3 maalmoodba maalin la nadiifiyo fasalka uu ardaygu wax ku baranayo.

Dhanka kalana waxay dhakhaatiirta iyo maamulayaashu ka wada hadleen sidii wax ay uga qaban lahaayeen dadka musqulaha u isticmaala habeenkii Dayrarka Dugsiyada Ardaydu wax ku barato, taas oo ay isla garteen in ay la kaashadaan golaha deegaanka Boorama iyo maamulkooda.

Dhakhaatiirtu waxay intaas raaciyeen in hal qof u dhintay shubanka, qofkaas oo aan la keenin cusbataalka, balse caalamadihii cudurkaa u dhintay, waxa kale oo cusbataalka yaal lix qof oo xanuunkaas calaamadihiisa laga helay, hadana lagu daaweynayo cusbataal.

Dadka xanuunkaas qaba oo aan ku booqday cusbataalka Boorama, waxa loo dhisay Taandho isla markaana mid ka mid ah oo aan waraystay ayaa ii sheegay in habeenimadii markii la qabtay uu moodayay calool xanuun, balse uu saqdii dhexe bilaabay shuban biyo ah oo socday ilaa subxadii, ka dibna dhakhtarka loola soo cararay, dadkaas ayaa waxa mid walba garab yaalay caagado madhan oo ah kuwo fuuq celin loogu xidhay. ama sida dadka qaarkii u yaqaanaan Faleebo lagu taagay.

                                               Dhakhaatiirta Magaalada Boorama ee Shirka Ka Qaybgalay

                                       Maamulayaasha Dugsiyada Magaalada Boorama

                                                     Dad Bukaan Jiif Ah oo Cisbitaalka Boorama Yaala

Wariye: Hashim Goth
Harowo.com, Boorma, S/land
Email:
hashimgoth@hotmail.com

Login