April 24, 2007

Dagaalada ka soconaya Dhahar, Kismayo iyo Muqdisho waxaa wada argagixiso” Cali Maxamed Geedi

Muqdisho (Harowo.com)–Ra’isulwasaaraha Kooxda Embigathi, Cali Max’ed Geedi oo maanta shir Jaraa’id ku qabtey Hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay ka war bixiyay dagaalada ka soconaya gudaha dalka Somalia.

 Gaar ahaan magaalada Muqdisho, Kismaayo, iyo qeybo ka mid ah degmada Dhahar ee gobolka Sanaga oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo isku wada mid ah oo ay wadaan waxa uu ugu Yeeray Argagixiso.

 
Geedi ayaa waxa uu soo hadal qaaday dagaalada ka socda Muqdisho oo uu sheegtay in dowladdiisa ay ku gacan sareyso isla markaana ay guulo ka soo hooysay, isagoo sheegay in ay ka bixiyeen godad ay lahaayeen waxa uu ugu yeeray argagixisada, waxaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in dagaalada Muqdisho ka socda ay u dhaxeeyaan ciidamada Ethiopia iyo beelaha Hawiye.

Waxa uu sidoo kale sheegay in saakay dagaalo ay ka dhaceen deegaanka Huriwaa dagaalo aad u qaraar, halkaasi oo sida uu sheegay lagu tuhunsanaa xubno sar sare oo ka tirsan waxa uu ugu yeeray argagixisada ayna dagaalkaasi oo si wada jir ah ay u galeen ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay jabiyeen sida uu sheegay.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay shalay gacanta ku dhigeen walxaha qarxa oo ku jirey bakhaaro ku yaala agagaarka xarunta Villa Baydhabo, iyadoo walxahaasi qarxa sheey walba uu ka kooban yahay 700Gr iyo sidoo kale ay soo qabteen hubka uu ka mid yahay gantaalka Saamka loo yaqaan oo uu sheegay in la qorsheynayay in lagu weeraro garoonka Muqdisho.

Mar uu soo hadal qaaday Boqorka Buur Madow waan waanta uu ka dhex wado saraakiisha ciidamada Ethiopia iyo Beelaha Hawiye ayaa waxa uu ku tilmaamay arinkaasi mid waxba kama jiraan ah, kana been abuurtay dowladda KMG ah iyo ciidamada dowladda Ethiopia.

Waxa uu ku eedeeyay dowladda Eritrea in ay soo abaabuleyso Maxkamadaha isla markaana ay ku beereyso gudaha gobolada Waqooyi ee Somaliland, isagoo sheegay in ay isla xiriiraan dagaalada ka dhacaya Muqdisho, kuwa ka dhacay Kismaayo iyo dagaalada Dhahar.

Mar uu soo hadal qaaday hadalkii dhowaan uu sheegay K/xigeenkiisa ahna wasiirka howlaha guud iyo Guryeynta Ing. Xuseen Ceydiid oo ahaa in xasuuq ay ciidamada Ethiopia ka geeysteen magaalada Muqdisho waxa uu yiri:-

" Waa wax laga xishooda in Xuseen Ceydiid uu arinkaasi yiraahdo, Xuseen Ceydiidna waa nin geed uu saaran yahay hoosta ka jaraayo, waxaana uu marayaa halkii ay mareen kuwii ka horeeyay" ayuu yiri Geedi oo intaasi ku daray in arinkiisa la horgeyn doono golaha wasiirada.

 

Waxa uu ku soo gabogabeeyay shirkiisa Jaraa’id baaq uu u jeediyay beesha caalamka in ay gacan ku siiso dowladiisa waxa uu ugu yeero la dagaalanka argagixisada.

Shirka Jaraa’id ee Ra’isulwasaare Geedi ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ka soconayaan dagaalo aad u qaraar oo galay maalintii 5aad.
 
Source: Shabelle.net