April 24, 2007
Dagaal Tacshiirado La Isku Weydaarsaday Oo Ka Dhacay Deegaanka Buhoodleh Ayaa Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac
Hargeysa (Harowo.com) April 24 -07- Laba qof ayaa ku dhintay Lix kalana way ku dhaawacmeen dagaal maanta ku dhex maray deegaanka Buhoodleh ee gobolka togdheer laba kooxood oo ku muransana dhul daaqsimeed ku yaalla duleedka magaalada Buhoodle.
Dagaalkani dhex maray labadani kooxood ayaa wuxuu bilaabmay habeenkii xallay isagoo socday ilaa saaka waabarigii hore waxaana labada qof ee dhintay oo dhaawac markaasi ahaa iyo dhaawaca kalaba la keenay Cisbitaalka guud ee magaalada Burco halkaasi oo maanta duhurkii ay labadaasi qof ay ku geeriyoodeen, iyadoo dhinaca kalana dhaawacii lagu dawaynaayo Cisbitaalka guud ee magaalada Burco.
Guddoomiyaha gobolka Togdheer Mudane Cabdi Xuseen dheere oo shabakadda Harowo.com ay khadka telefoonka gacanta kula xidhiidhay maanta gelinkii danbe ayaa waxaanu wax ka weydiinay xaaladda deegaanka Buhoodleh sida tahay iyo maamulka gobolka Togdheer wuxuu ka qabtay, Mudane Cabdi Xuseen Dheere wuxuu sheegay in ay isku dayayaan inay xaaladda si nabadgelyo ah u dhex gallaan isagoo sheegay inay hadda u direen deegaankaasi guddi nabadoon ah oo dhex gasha kooxaha dagaalku dhex maray.
Xaaladda ayaa maanta gelinkii danbe qaboobayd wallow xiisad ba’ani ay ka jirtay deegaanka Buhoodleh iyadoo labadii kooxood ee dagaalku dhex marayna ay isku uruursanayeen meelo duleedka kaga beegan magaalada Buhoodleh.
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com








