April 23, 2007
Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Kulano La Yeeshay Maanta Odayaasha Iyo Waxgaradka Beelaha Ceerigaabo.
Hargeysa (Harowo.com) April 23 -07- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ku sugan xarunta gobolka Sanaag Ee Ceerigaabo ayaa maanta mar uu kulan balaadhan la lahaa odayaasha iyo waxagaradka gobolka Sanaag wuxuu shaaca ka qaaday inay ka go’antay xukuumadda Somaliland gaadhista xuduudaha Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenku isagoo la hadlaya odayaasha deegaanka Ceerigaabo wuxuu ku yidhi "haddii ay jirtay caaglayaal la yidhaahdo waa la qarameeyey oo ciidan ayey somaliland u yahiin taasi wakhtigeedii waa la dhaafay, maantana somaliland xukuumadd iyo shacbiba way fahmeen inaan caaglayaal iyo ciidan aan jirin lacag lagaga qaato, waxaana aanu dhisayna ciidan qarran oo dhamaystiran oo gaadha xuduudaha somaliland" ayuu yidhi M/weyne ku xigeenku.
Haddaba Warsaxafadeed naga soo gaadhay xarunta wasaaradda warfaafinta oo lagu faah faahinaayey kulankaasi maanta dhex maray odayaasha Beelaha gobolka Sanaag iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa wuxuu u dhigna sidani:
"Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , ayaa daboolka ka qaaday in xukuumada ay ka go’an tahay inay xuduudaheeda soo xidhato amasugato.
Madaxweyne ku xigeenka iyo wefdi uu hogaaminayo oo hadda ku sugan Magaalada Ceerigaabo ayaa Maanta wuxuu hadalkan ka jeediyay mar uu Shir
kula yeeshay xarunta gobolka Madax dhaqameedka, Odayaasha iyo Aqoonyahanka deegaanada Galbeedka iyo Woqooyiga Magaalada Ceerigaabo.
Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in looga baahan yahay Bulshada gobolka Sanaag , iyagoo isku duuban inay xukuumada is garab
taagaan , isagoo xusay in Xukuumaduna xooga saari doonto xaga horumarinta gobolka .
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu yidhi ”ujeedada socdaalkayagan waxa ugu horeysa fidinta Maamulka, dejinta iyo Tayaynta Ciidamada , Xidhida
Xuduudaha iyo guud ahaanba xogogaal u noqoshada xaalada Dhabta ah ee gobolkaasi”.
Waxaanu Madaxweyne ku xigeenku intaa raaciyay ”Xukuumada Somaliland waxa ka go’an xuduudaheeda inay soo xidhato”. Dhinacyadii Wefdigani u Madaxweyne ku Xigeenku hogaaminayo ayaa waxa ay la kulmeen Maanta waxay dhamaantood wefdiga u muujiyeen dareenka ay ku bar bar taagan yihiin xukuumadooda tallaabo kasta oo xukuumada Somaliland ku gaadhayso kuna soo xidhayso xuduudkeeda" .





Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com

