April 20, 2007
Wefdigii M/Ku Xigeenku Uu Hogaaminaayey Oo Magaalada Ceerigaabo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey

Hargeysa (Harowo.com) April 19 -07- Wefdigii uu hogaaminaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa gaadhay xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo iyadoo ay halkaasina ku soo dhaweeyeen madaxda gobolka Sanaag iyo weliba saraakiisha ciidamada qarranka ee halkaasi ku sugan, warsaxafadeed kooban oo uu na soo gaadhsiiyey xoghaynta guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Riyaad Maxamed lagagana hadlaayo soo dhawaynta Wefdiga M/weyne ku xigeenka ee magaalada Ceerigaabo ayaa iyadoo dhamaystiran waxay u dhignayd sidani:
Waxaa ay waftigii uu madaxweeyne ku xigeenku hogaaminayay ay maanta gaadheen cerigaabao saacadu markii ay ahayd 2.30 iyadoo halkaasi ay ku soo dhoweeyeen badhasaabka magaalada ceerigaabo iyo maayarka magaalada iyo dadaweeyne aad u badan iyo taliska ciidanka qaranka .taliska ciidanka aaga bari .taliska qaybata sadexaad ee ciidanka qaranka.



.jpg)


Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com

