April 18, 2007

Dhuuxa Boorama ” Maanso”

Dhexdeedu haday
Sidii madag dhebi
U dhuubantahoo
Midabku sida dhiin
Masciidka sidii
Gacmaha dhilanee
Markay socod dhaw
Dhaqaaq is tidhaa
Laafyaha dhinac yaal

Waxaad is tidhaa
Ku dhaygag indhaha
Intayna ka dhumin
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Dhabanka dihinkiyo
Labeentu dhistee
Dhalaanka sidii
Dhalaalka ku yaal
Dhaayaha mar arkaa
Dheeftaba ma cunee
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Dhaqanka wacaniyo
Dhaboobka jiraa
Dhegehu tabayaan
Dhaqmaadka naftiyo
Dhaxanta jiilaal
Inaan kaga dhuunto
Dhasiig ma jiree
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Dhul buura lahoo
Dhabiga ka baxaa
Biyaha dhinac yaal
Xididka dhinacii
Ka dhuuqo sidii
Dhubuqa lagu cuno
Dhuubaha sare iyo
Dhamuug dacalkeed
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Dhul buuraa lahoo
Dhibicda roobkee
Gugii ka da’adaa
Xareed dhigisteed
Dhulkoo dhan qarshaan
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Dhul buura lahoo
Dhalaanku aqoon
Tacliinta dhigtaan
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Dhulbuura lahoo
Haweenku dhaqankiyo
Hidaha ku dhagaan
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Dhul buura lahoo
Wayeel taliyaa
Dhexdooda dhibtiyo
Dhexyaalka yimaad
Nabada dhinaceega
Ku dhiiran wanaag
Aan dhaanka raree
Dhooley adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Dhulbuura lahoo
Dhawaaq ku dhibiyo
Dhaliisha aqoon
Dhegaha ku nastee
Aan dhaanka raree
Dholey adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Dharaqa maalkii
Dhiishaan ku shubaad
Ayaad dhami sida
Dhalaan la korshee
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Dhulbuura lahoo
Dooxyada dhex maraa
Dhankaad ka gashaba
Biyaha dhinac yaal
Dhabaha ka farcamay
Geedaha dharankiyo
Dhaameelka ku yaal
Naftii dhugataa
Dhanaba uga baxin
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Dhulbuura lahoo
Jawiga dhididkiyo
Dabeylo dhiciyo
Aan dheela lahayn
Naftii dhugataa
Dhanaba uga bixin
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Dhulbuura lahoo
Dhageysiga wacan
Dhegtaa la dhacdee
Dhawaaqa balwada
Dhulkii laga helay
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Dhulbuura lahoo
Dhagaxa laga helo
Uu dheeman yehoo
Dhashii ilma sheekh
Ay diinta dhigaan
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Dhulbuura lahoo
Dhuuniga laga cuno
Dhadhanka laga helo
Dhamaystir yahoo
Markaad dheragtana
Faruhu dhaqdhadaaq
Dalqada dhibayaan
Aan dhaanka raree
Dhooleey adiguna
Dhulkii ma tagnaa

Ugas, Ali O
Email
:
aougas@seattleschools.org