April 18, 2007

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Wefdigii Uu Hogaaminaayey Oo Ku Sugan Magaalada Burco Una Sii Jeeda Dhinaca Ceerigaabo

Hargeysa (Harowo.com) Aoril 17 -07- Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasin iyo wefdi uu hogaaminaayo oo ka kooban Wasiiradda xidhiidhka golayaasha Md. Cabdi Xasan Buuni, Duulista Hawada Md. Cali Maxamed  Waran Cadde, Wasiiru dawlaha Macdanta Biyaha iyo la taliyaha gaashandhiga ee Madaxweynaha Somaliland.

Wefdiga ayaa waxay maanta degeen guriga martida qarranka ee Magaalada Burco iyadoo dhinaca kalana shallay si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Burco Wasiirkii gaashandhiga ee xilka laga qaaday Aadan Maxamed Mire Waqaf.
 
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland iyo wefdiga uu hogaaminaayo ayaa maanta waxay kulano la yeesheen maamulka Magaalada Burco iyagoo isla maanta la filaayo inay u ambabaxaan Xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo halkaasi oo ay ka bilaabi doonaan hawsha fullinta iyo kala hagista hawlgallada Ciidamada Qarranka ee Aagga berri ee dalka gaar ahaana sidii ciidamadda qarranku ay ugu laaban lahaayeen jiidahii hore ay uga soo baxeen ee dhahar iyo Xingalool, Waxaa isaguna ku sii sugan magaalada Ceerigaabo Taliyahii ciidanka Qarranka Somaliland Mudane Nuux Ismaaciil Taani oo hawsha ciidanka qarranka kala wareegay Wasiirkii gaashandhiga ee xilka laga qaaday.
 
Warar xogogaal ah oo shabakadda Harowo.com ay hellayso ayaa tibaxaya in wefdigani Madaxweyne Ku Xigeenka iyo wasiiradda la wareegay hawlgelinta ciidanka qarranka ee aagga beri uu Madaxweyne rayaale amar buuxda ku siiyey sidii ciidanka qarranka Somaliland sida ugu dhakhsaha badanleh loogu celin lahaa jiidda hore ee ay markii hore ka soo baxeen.
 
Ciidanka Qarranka Somaliland ee dhawaan ka soo baxay magaalada Dhahar iyo jiidda ka beriyaysa ayaa hadda ku sugan meel beri kaga beegan magaalada Ceerigaabo waxaana ay ka war sugayaan hogaanka cusub ee ciidanka qarranka ee hawshooda loo soo xil saaray iyo sida ay ugu taliyaan kolba.
 
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa xallay kulan gaar ah oo qaatay saacado badan wuxuu la yeeshay Guddida cusub ee uu xilsaaray hawlgallada beriga dalka ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland inkasta oo aan la ogayn qodobada gaarka ah ee laga wada hadlay haddana waxaa ugu weynayd sida warar xogogaal ah ay shabakadda Harowo.com ku hellayso sidii loo qaabayn lahaa isla markaana dibu habayn loogu samayn lahaa ciidanka qarranka Somaliland
 
Wixii warar ah ee akhristayaal ku soo kordha kala Socda Shabakadda Wararka Harowo.com Oo ah Hormoodka Wararka ee geeska Afrika.

                                             Madaxweyne Rayaale Oo Qasriga Madaxtooyada La Fadhiya Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin Intaanay U Ambabaxin Beriga Dalka

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email:
diridhaba@gmail.com

Login