April 14, 2007
Roobab Laxaadleh Oo Ka Da’ay Ayaa Khasaarooyin U Gaystay Magaalada Berbera Ee Xarunta Gobolka Saaxil
Hargeysa (Harowo.com) April 14 -07- Roobab mahiigaan ah oo xallay abaaro 3:00 habeenimo ku bilaabmay magaalada Berbera socdayna ilaa maanta duhurkii ayaa u gaystay in ka badan 70 guri oo ku yaalla magaalada Berbera khasaarooyin burbur ah, waxaana ka barakacay guryahoodii ugu yaraan 150 qoys kuwaasi oo biyahu ay guryahoodii ugu soo galleen.
Roobabkani ayaa sida la sheegaayo waxay ka da’een xeebta bedda berbera iyagoo markii danbana iyagoo wata duufaano iyo dabaylo xad dhaaf soo jiidhay magaalada Berbera, waxay roobabkani gooyeen waddooyinkii dhex maraayey magaalada Berbera iyagoo sidoo kalana camuudda bedda kusoo leexiyey waddadii weynayd ee gallaysay Madaarka Caalamiga ee Magaalada Berbera.
Guryahani ay roobabku burburiyeen ayaa waxay ahaayeen kuwa qadiimi ah oo dhisna ilaa iyo wakhtigii Sovietku joogay magaalada Berbera muddo hadda laga joogo 180 sannadood, waxaana burburka guryahaasi ay hadda wadhanyahiin xaafadaha Batalaale,guryaha ruushku, iyo daaroole.
Maayorka Magaalada Berbera Mudane Siciid Daa’ud ayaa isagoo khadka telefoonka ugu waramaaya shabakadda Harowo.com wuxuu sheegay in dawladda hoose ee magaalada Berbera ay bilawday hawlo gargaar ah oo ay u fidinayso dadka ku barakacay khasaaraha roobabkani wuxuuna maayorku qaylo dhaan u diraya shacabka reer somaliland ee gudo iyo dibadba ku dhaqan, maayorka Berbera wuxuu sheegay in ugu yaraan 70 guri ay ku burbureen isla markaana dad lagu qiyaasay 180 qof ay ku barakaceen roobabkani.
dhinaca kalana roobabkii gu’ga ayaa ka da’aya maanta ilaa caawa oo dhan magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Berbera, Burco, Ceerigaabo iyo degmooyinka Sool iyo Sanaag roobabka ayaa maanta kala gooyey gawaadhidii caanaha iyo qaadka ee imanaayey magaalooyinka waaweyn kana imanaayey dhulka miyiga ah ee somaliland.
roobabkani ayaa waxaa ay dadweynaha ku dhaqan dhulka miyiga ah iyo xoola dhaqatada somaliland ay kaga raysteen dhulka oo engagnaa iyo weliba abaar laga cabsi qabay inay ku dhufato waxaana roobabkani ay biyo dhigeen meel kasta oo ku dhereren dhulka kaymaha iyo buuraha ah ee gubanka iyo hawdka somaliland.
Roobabka ayaa xoogoodi waxay caawa ka da’ayaan magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa iyagoo bilaabmay abaaro 2:00 dhurnimo isla markaana da’aya ilaa caawa saqdii dhexe.
Daadadka Oo Ceegaagan Waddooyinka Magaalada Berbera iyo Xarunta Dawladda Hoose Ee Berbera
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com

