April 10, 2007

Dagaal Qadhaadh Oo Maanta Deegaanka Dhahar Ee Gobolka Sanaag Ku Dhex Maray Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Majeerteeniya

Hargeysa (Harowo.com) April 10 -07- Abaaro 8:30 subaxnimo ee saaka ayaa wefdi uu hogaaminaayey Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Somaliland gaadhay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag halkaasi oo ay u tageen ujeedo la xidhiidha sidii ay usoo qiimayn lahaayeen xaaladda degmadaasi Dhahar.

Isla wakhtigaasi ay wefdigu gaadheen deegaanka Dhahar  ayaa sida wararka naga soo gaadhaya deegaanka Dhahahar tibaaxayaan waxaa dhinaca beri ka soo gallay ilaa 15 gaadhi oo tikniko ah oo ay soo direen maamul goboleedka Majeerteeniya ee Puntland kuwaasi isla markiiba xabbad ku furay wefdiga wasiirka cayaaraha waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kulul oo socday muddo lix saacadood ah.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Axmed Xaaji Daahir oo saaka xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in dagaalkaasi ay dhinaca somaliland uu kaga dhintay 1 askari halka 3 kalana ay kaga dhaawacmeen, wuxuu Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi sheegay in ciidamada Majeerteeniya ay soo qaadeen dagaalkaasi abaaro 5:00 subaxnimo, wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada Somaliland ay gacanta kaga dhigeen gaadhi nooca tiknikada ah oo uu ku rakibanyahay qoriga loo yaqaano Dhashiikaha.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland wuxuu shirkaasi jaraa’id ku sheegay in xukuumadda Somaliland iyo shacabkeeduba ay hadda samirkii ka dhamaaday isla markaana ay ka go’antahay sidii ay xuduudahooda usoo ceshan lahaayeen waa sida uu wasiirku hadalka u dhigaye.
 
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Aaggaga Dagaalku Ka Dhacay
 
Weriye Khadar Maxamed Cakule oo la socda wefdiga Wasiirka cayaaraha Somaliland oo aanu goor dhawayd khadka telefoonka gacanta kula xidhiidhnay isagoo jooga magaalada Ceerigaabo ayaa noo sheegay in wefdigii xukuumadda Somaliland iyo ciidamadii qarrankuba ay dib caawa fiidkii uga soo baxeen dhinaca deegaanka Dhahar iyagoo soo gaadhay ayuu weriyahu noo sheegay dhinaca xarunta gobolka  Sanaag ee  Ceerigaabo.
 
Weriye Cakuule wuxuu khadka telefoonka gacanta noogu xaqiijiyey in odayaasha deegaanka Dhahar ay xaaladda dhex galleen isla markaana ay labada dhinac ciidamadooda dib uga saareen masaafad dhan 20 Km..
 
dhinaca kalana Weriye Khadar Maxamed  Cakuule wuxuu noo xaqiijiyey in magaalada Dhahar xaalad xiisad dagaal ay ka aloosantahay iyadoo dadweynaha magaaladaasina ay maanta la ambabareen dayanka rasaata iyo dhawaqa xabbad ay labada dhinac isweydaarsaneyeen, dadweyno door ah ayaa dhinaca magaalada Ceerigaabo usoo qaxay iyagoo ka soo cararay dagaalada iyo xiisadaha ka aloosan deegaanka Dhahar.
 
Dhinaca kalana wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaadhaya Wefdiga ayaa tibaaxaya in Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland iyo wefi la socda ay gaadheen magaalada Xingalool oo 20 km xagga galbeedka kaga beegan magaalada  Dhahar iyaga iyo ciidamo ka tirsan Ciidamada Qarranka Somaliland kuwaasi oo gumad ahaan ka yimid dhinaca magaalada Burco.
 
Gudaha magaalada Dhahar ayaa xaaladdu degentahay waxaana la sheegaya in goobaha ganacsiga iyo noloshuba ay caawa si caadi ah usoo noqotay iyadoo dadweynahuna ay aad u hadal hayaan dagaalka maanta deegaankaasi ka dhacay. 

Wixii warar ah ee ka soo kordha xiisadda Dagaalkani iyo xiisadaha deegaanka Dhahar ee gobolka Sanaag  kala soco shabakadda Harowo.com.

 

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email:
diridhaba@gmail.com

Login