April 4, 2007

Wefdi Culus Oo Iskugu Jira Golaha Wasiiradda Somaliland Iyo Haayadaha Caalamiga Ah Ee Dalka Ku Sugan Ayaa Maalinta Berri Lagu Wadaa Inay U Ambabaxaan Gobolada Berri Ee Somaliland.

Hargeysa (Harowo.com) April  4-07- Wefdi balaadhan oo iskugu jira golaha xukuumadda iyo saraakiisha Baanka Adduunka iyo haayadaha Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay maalinta berri ah u ambabaxaan gobolada beriga somaliland sidaasina waxaa maanta u xaqiijiyey Shabakadda Harowo.com Wasiirka Qorshaynta Qarranka Mudane Cali Ibraahim Sanyare oo xafiiskiisa ugu waramaayey telefishanka Madaxa Bannaan ee HCTV, Shabakadda Harowo.com iyo Wergeyska Jamhuuriya.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qarranku Mudane Cali Sanyare wuxuu sheegay in wefdigani berri u ambabaxaya dhinaca gobolada beriga somaliland ay iskugu jiraan shan xubnood oo ka tirsan golaha wasiiradda somaliland iyo dhammaanba madaxda xafiisyada haayadaha qaramada midoobay iyo haayadaha caalamiga ah ee dalka ku sugan, wuxuuna ku sheegay Mudane Sanyare ujeedada safarkani sidii qiimayn dhab ah loogu soo samayn lahaa baahiyaha ka jira goboladaasi.
 
Wasiirka Qorshaynta qarranka Mudane Cali Ibraahim Maxamed Sanyare wuxuu sheegay in ay socdaalkooda ku tagi doonaan gobolada Togdheer, Sanaag iyo Sool isla markaana wefdigu uu isku qayb doono ayuu yidhi afar kooxood oo wasiir kastaaba uu koox gaar ah u horkici doono iyadoo koox weliba ayuu yidhi ay qiimayn ku samayn doonto qaybaha goboladaasi beriga Somaliland.
 
Mudane Cali Ibraahim Sanyare Wasiirka Qorshaynta Qarranka Somaliland wuxuu markii ugu horaysay qiray inaan haayadaha caalamiga ah ee dalka jooga aanay waxqabad la taaban karo ka gaysanin gobolada Beriga wuxuuna taasi ku dhaliilay Haayadaha caalamiga ah oo ka dhego furaystay ayuu yidhi.
 
Mudane Sanyare Wasiirka qorshayntu wuxuu intaasi ku darray inay xukuumadiisa ka go’antahay haddii la odhan jiray beriga dalka lama gaadhsiiyo hawlaha gargaarka iyo weliba dibu dhiska dalka inay ka go’antahay hadda in dalku uu saami isle’eg u qaybsado ayuu yidhi waxtarka iyo faa’iidooyinka beesha caalamka ay somaliland ka hesho.
 
Wefdiga berritoole ka ambabaxaya caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa waxay kala yahiin Wasiirka qorshaynta Qarranka iyo Xidhiidhka Haayadaha Caalamiga ah Mudane Cali Ibraahim Maxamed Sanyare, Wasiirka arrimaha Gudaha Mudane Cabdilaahi Ismaaciil Cali Ciro, Wasiirka waxbarashada Mudane Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan Gadhweyne), Wasiirka Caafimaadka Mudane Cabdilaahi Maxamed Iimaan  Darawal iyo Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda
 
Mudane Sanyare Wasiirka Qorshaynta Somaliland wuxuu sheegay in wefdigani ay hawshooda ka bilaabi doonaan xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo oo u noqon doonta xarunta ay qiimaynta kula soo noqonayaan wuxuuna sheegay inay xafiis ka furayaan magaalada Ceerigaabo.
 
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email:
diridhaba@gmail.com