April 1, 2007
Weraysi Dhinacyo Badanleh Oo Axmed Siilaanyo Saxaafadda Maanta Siiyey.
Hargeysa (Harowo.com) April 1-07- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa weraysi uu maanta siinaayey saxaafadda madaxa bannaan gaar ahaana telefishanka HCTV ayaa isagoo ka hadlaya arrinta Koomiishanka doorashooyinka qarranka iyo muranka ka taagan wuxuu si weyn uga dayriyey in xal loo heli karo.
"M/weynahu Wuxuu Diiday gartii Guurtida, Gartayadii Waa Gar Diid Waxaan Usoo Jeedinaya Shacabka Somaliland Inay Iska Qabtaan"
Wuxuuna arrintaasi eedeeda korka u saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin "madaxweynahu wuxuu diiday tallo in la iskaga yimaado, wuxuu diiday gartii guurtida, wuxuu diiday gartii golaha wakiiladda, wuxuu diiday gartii ururada maxaliga ah sida akaadamiyada, wuxuu diiday gartayadii, wuxuu diiday gartii deeq bixiyayaasha, ina rayaale waa gar diid, dastuurka uu sheegaayo iyo xeerka la leeyahay ha lagu dhaqmo ina rayaale isaga kaw ka ah cidda jabisay miisaaniyadii la ansixiyey ayuu diidanyahay inuu sideedii ugu dhaqmo, xeerkii saxaafadda ayuu leeyahay lagu dhaqmi maayo, ka soo qaado dastuurkeena wuxuu dhigaya oo ku dhisanyahay waa in tallo la iskugu yimaado, markaa waxaan qabaa Daahir Rayaale inuu taaganyahay wakhtigii aan la sugi lahayn waxaanan usoo jeedinaya shacabka somaliland inay iska qabtaan".
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye wuxuu sheegay in haddii lagu kala bixiyo waayo tallo iyo in la isku yimaado lagu kala bixi doono wax ka xun "marka wax la isku qabto waxaa caado ummadani u ahayd in la iskaga yimaado oo laga tashado, haddii taasi la heli waayana waxaan leeyahay wax ka xun ayaa lagu kala bixi doona" ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Mar wax laga weydiiyey khilaaf soo dhex gallay wada shaqayntii xisbiga Kulmiye iyo UCID wuxuu sheegay inaanu jirin wax khilaaf ahi balse labada xisbi ay ku kala aragti duwanyahiin "horta labada xisbi dee markii hore kumay heshiin inay xisbi keliya noqdaan, waa kala hadaf waa kala aragti, xisbi kastaana wuxuu aragtidiisa iyo hadafkiisa u arko ayuu qaadanaya, annagu wada shaqayntii aanu la lahayn Xisbiga UCID halkeedii ayey noo taagantahay balse arrintani dee waanu ku kala aragti duwanahay xisbi kastaana halkuu danta u arko ayuunbu ka hadlaya wallow ay jiraan masuuliyiin badan oo UCID ah oo aanu isku aragti nahay" ayuu yidhi axmed Siilaanyo.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ka hadlaya wefdigii Midawga Yurub ee dhawaan dalka yimid iyo waxay ka wada hadleen wuxuu yidhi "maalin dhawayd deeq bixiyayaasha midawga yurub ee daneeya dimuqraadiyadda dalkeenu waxay noo soo direen waraaq aniga iyo faysal cali waraabe iyo isaga (Madaxweynaha) waxyaabahii ay waraaqdaasi ku sheegeen waxaa ka mid ahaa wel wel weyn oo ay ka qabaan xadhiga suxufiyiinta, murankani koomishanka iyo weliba xaaladdani siyaasadeed, ina rayaale malaha kalaamu laylka ayuunbu ku baraarugaya cid maanta aan dareensanayn oo aan usoo jeedinayn in la helo arrinkaasi xal ma jirto, isagu wuxuu ka doorbidaya aniguunba madaxweyne ah i’ iinyo, socon mayso, dee annaguna waxaanu leenahay waar dalku tani ku jiri maayo eh waa in xal loo hela".
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo wax laga weydiiyey hadal shallay ka soo baxay Xoghayaha Xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale oo uu ku sheegay in xisbiga Kulmiye aanu ka qayb gallayn doorashada isagoo taasi ka jawaabaya wuxuu yidhi "(Qosol), horta mararka qaarkoodbaad garan wayda waxaad hadalada qaarkood kaga jawaabo, waxaan kaga jawaababa dee garan maayo eh, mid ayaanse odhanaya Xisbiga Kulmiye maalin uu ka wanaagsanyahay oo uu iskaga duubanyahay oo doonaayo inuu dalkani saxo ma jirto, waxaan ogahay anigu mid waxaan ogahay inaanu isku diyaarinayno dadka xaq darrada UDUB ka soo baxaya ee ka soo jabaya oo aanu soo dhawaynayno, markaa shacabka ayaa taasi markhaati ka ah" ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
Dhinaca kalana Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye wuxuu ka dayriyey wax qabad la’aan baahsan oo dalka haysa iyo weliba musuq maasuq uu sheegay Axmed Siilaanyo inay aafeeyeen haayadahi qarranka "maalin kasta bal eego Hargeysa waa caasimaddii somaliland eh waxaa yimaada dad dibadda ka yimaad, ha noqdeen ajaanib ama dadka muwaadiniinta ah waxaa ay ku odhanayaan hargeysa way dhisantay oo way ka soo kabatay burburkii balse su’aasha ay kugu celinayaan waxay tahay maxaa ku dhacay kaalintii dawladda, waddooyinkii weli way burbursanyahiin xarumahii dawladda meel loo soo shaxaad tago mooyaane meelo wax qabata uma arkaan, ina rayaale cidda musuq maasuqa jira ka hadasha wuxuu u arkaa cadaw afkuu qabtaa, waxaan qabnaa markaa in sidani dalka loo dhaamo oo la helo dariiq kale ina rayaale iyo dalkani way is eedeen" ayuu yidhi axmed Siilaanyo.
Mar wax laga weydiiyey wuxuu isagu axmed siilaanyo ahaan ka qabo furashada Urur Siyaasadeedyo cusub oo u tartama doorashooyinka dawladaha hoose wuxuu ku jawaabay "horta su’aashaasi dhawr jeer oo horana waa la i weydiiyey, anigu haddii la furayo xisbi iyo urur intaba waan soo dhawaynayaa, waxaan leeyahay gacmo furan ku soo dhawaada, balse su’aal ayaan soo jeedinaya maalintii aynu furaynay axsaabta mid ayeynu ka hadalnay waxaynu nidhi aynu qaadano habka axsaabta badan, waxaa ku yaal dastuurkeena ururada siyaasadda ee u tartama doorashada dawladaha hoose waxaa laga raba 3 Urur oo u xuub siibta Xisbiyo, taasi ayaa meesha taalla, markaa waxay aniga ila tahay waxaynu ka wada hadalno ee ka tashano waxba kama qabo haddii aynu leenahay dastuurkii iyo xeer hoosaadyadii aynu raacnana waxba kama qabo" ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com






