March 30, 2007
La Taliyahii Madaxweynaha Ee Dhinaca Gaashandhiga Oo Maanta Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Magaalada Gabiley
Hargeysa (Harowo.com) March 29 -07- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo weliba hogaamiyayaasha Xisbiyada Qarranka, saraakiil ka socota ciidamada qarranka iyo dadweyne aad u tiro badan ayaa maanta ka soo qayb gallay Aas Qarran oo loo sameeyey la taliyahii Madaxweynaha ee dhinaca gaashandhiga Marxuum Haybe Cumar Magan oo habeen hore ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla jamhuuriyadda Jibouti.
Maydka Marxuum Haybe Cumar Magan ayaa shallay gelinkii danbe laga soo dejiyey Madaarka Egal Intl Airport iyadoo diyaaradda Daallo Airlines ay ka soo qaaday Magaalada Jibouti waxaana saaka abaaro 9:00 subaxnimo ilaahay naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiye lagu aasay Xabaalaha Qarranka ee Magaalada Gabiley oo ahayd magaaladii uu ku dhashay.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka mid ahaa madaxda ka soo qayb gallay aaska Marxuum Haybe cumar ayaa isagoo ka waramaya taariikhdiisi iyo aqoontii uu u lahaa waxaa uu yidhi "ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiye, marxuum haybe wuxuu ahaa saraakiishii ciidamada ee taariikhda halganka lahayd ku lahaa dalkani, wuxuu ahaa muumin nabad doon ah, haddii cid tasbiix doonayso isaga u macalin, ahaa wuxuu ahaa nin ku caan ahaa tusbaxa tasbixdiisa waana muuminiinta ilaahay quraankiisa ku sheegay" ayuu yidhi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ka soo qayb gallay aaska marxuumka ayaa sheegay inuu Marxuum haybe ka mid ahaa saraakiishii ururkii SNM isla markaana wuxuu sheegay inuu ahaa nin taqi ah oo diinta aad ugu fiican, dad la dhaqan wanaagsan lahaa isla markaana xidhiidhin jiray halgamaayadii SNM, wuxuu ahaa ayuu yidhi Axmed Siilaanyo nin jecel in siyaasadda somaliland la isku soo dhaweeyo, wuxuu ahaa ayuu yidhi nin aqoon badan u leh ciidamada somaliland.
waxaa iyaguna ka waramay taariikhda Marxuumka siyaasiyiin, iyo weliba saraakiil ka tirsan ciidanka qarranka somaliland iyagoo dhammaantoodba ku tilmaamay inuu ahaa Marxuum Haybe nin somalilandimadu aad ugu weynayd isla markaana aad ugu adkaa diinta islaamka.
Marxuum Haybe Cumar Magan La Taliyahii Gaashandhiga ee Madaxweynaha Somaliland Oo Loo Sii Gelbinaayo Xabaasha "Inalilah Wa Ina Ilayhi Rajacuun)
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com

