March 28, 2007

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Kheyraadka Dabiiciga Ah Oo Maanta Xilkii Si Rasmi Ah Ula Wareegay

Hargeysa (Harowo.com) March 27 -07- Wasiirka cusub ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo kheyraadka dabiiciga Mudane Cali Maxamed Xasan (Qoor-seef)  oo dhawaan Madaxweynaha Somaliland Mudane  Daahir Rayaale Kaahin uu xilka wasaaradaasi u magacaabay ayaa maanta xilka si rasmi ah ugala wareegay  Wasiirka ku xigeenka wasaaraddaasi oo si ku meel gaadh ah xilka u hayey.

Mudane Qoor Seef oo hadal ka jeediyey xafladdii xil wareejinta ahayd ayaa wuxuu sheegay inaanu waxba ka hakran doonin inuu kor u soo qaado hawsha shaqada ee wasaaradda wuxuu Mudane Qoor-seef sheegay inuu yahay nin aqoon badan u leh cilmiga sahaminta bedeha iyo weliba kheyraadka dabiiciga ah (Natural Resources), wuxuuna ugu ballan qaaday shaqaalaha wasaaradda inuu u fidin doono tababaro kala duwan.
 
dhinaca kalana Wasiirka cusub wuxuu ka codsaday shaqaalaha wasaaradda inay ula shaqeeyaan sidii ay ula shaqaynayeen masuuliyiintii isaga shaqada uga horaysay wuxuuna u ballan qaaday inuu wixii karaankiisa ah aanu waxba kala hadhayn shaqada wasaaradda.
 
dhinaca kalana wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi ayaa wuxuu ku soo dhaweeyey wasiirka cusub shaqada, wuxuuna u ballan qaaday inuu si wanaagsan ula shaqayn doono, isagoo markii danbana ku soo wareejiyey dhismaha wasaaradda kalluumaysiga.

                                                               Kalluunka Xeebaha Somaliland

 
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email:
diridhaba@gmail.com