March 27, 2007

“Cida la Cabudhiyay ee Layskugu Tagay waa Dawlada” Badhasaabka G/Togdheer

Burco (Jam) - Badhasaabka Gobolka Togdheer, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha Xisbiyada mucaaridka ee sheegaya inay xukuumadu wax cabudhinayso. “Hase yeeshee” ayuu badhasaabku yidhi “cida la cabudhiyay ee layskugu tagay waa dawlada.”

Guddoomiyaha Gobolka oo faahfaahinaya cida iyo qaabka loo cabudhiye Xukuumadda, waxa uu yidhi: “Xisbiyada mucaaridka, wakiilada iyo saxaafaduba waxay iskugu tageen oo cabudhiyeen dawlada.” Sidaana, waxa uu ka sheegay badhasaabku furitaanaka tababar koox suxufiyiina shalay uga firmay Magaalada Burco.

Badhasaabku waxa uu intaas ku daray inaan la cabudhin mucaaridka,wakiilada iyo Sxaafadaba islamarkaana lama joogo wakhtigii kaliyitalisnimada,ee Madaxweynaheena waxa la gu doortay si dimuqraadiyada. Waxaanu badhasaabku tilmaamay in saxaafadu tahay halbowlaha wadanka sidaas awgeedna loo baahan yahay inay ka qaybqaatado horumarka dalka, oo noqota mid wax toosisa waxna tilmaanta, balse aanay noqon mid wax dumisa, waa hadii ilaahay garan siiyo.

Waxaanu hadalkiisii ku soo koobay inuu aad ugu faraxsan yahay soona dhaweynayo in tababarada suxufiyiinta lagu qabto halkan [Burco]. Xoghayaha ururka suxufiyiinta somaliland Mr. Muuse inji oo ka hadlay munasibadaa, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada tababarkan, waxaanu sheegay inay salka ku hayaan sidii suxufiyiinta loo bari lahaa xeerarka iyo anshaxa saxaafada si ay ugu dabaqaan shaqadooda.

Mr. Muuse waxa uu intaas ku daray in xukuumada looga baahan yahay inaanay cabudhin saxaafada oo dhibsan, isla markaana saxaafada looga baahan yahay inaanay cidna meel ka dhac u gaysan oo xadgudubin. Waxa uu ugu dambayntii u mahadceliyay hay’ada CARE oo maalgalisay tababaradan, kuwaas oo hore loogu soo qabtay gobalada Saaxil iyo Boorama.

Sidoo kale, Maxamed Daahir oo ka mida masuuliyinta hay’ada CARE ee iyagu maalgalisay tababardan, oo tilmamaamayey baahida loo qabo in saxaafada, dawlada iyo ururada bulshadu yeeshaan xidhiidh wada shaqayneed oo wanaagsan, maadaama saxaafadu xadaarada dunida meel weyn kaga jirto.

Tababar ayaa waxa ka soo qaybgalay tobon suxufi kaasoo socondoona mudo laba maalmooda oo ay fulinayso ururka SOLJA.

Jamhuuriya Online