March 25, 2007

Waxqabadka Hayada IFAD ka Samaysay Dooxa Dhamuug ee Boorama

Harowo.com = Boorama, 24 March. Hayada IFAD ayaa waxay ka samaysay dooxa dhamuug biyo xidheeno sadex ah, Hayada oo soo tustay waxqabadkeeda Maamulka G/Awdal iyo weriyayaasha ka hawlgala G/Awdal, ayaa madaxa Xafiiska hayada IFAD ku leedahay Boorama Mr. Maxamed C/laahi Yoonis uga waramay hasha biyo xidhada ah ee ay qabteen in ay tahay, dooxa dhamuug oo ah ka ay cabto magaalada Boorama in biyaha ay u xidhaan, taas oo marka biyaha roobka la xidho kor u soo qaadaysa Biyaha ceelasha.

Waxaan samaynay ayuu yidhi sadex meelood oo aan ka xidhnay dooxa dhamuug, kan u dambeeyay ee aan duljoognaana waa 30 mitir oo dherer ah iyo 180 mitir oo joog ah. Maxamed C/laahi wuxuu intaas kudaray in mashaariicdani yihiin qaar aan hore loo qaban jirin, isbedel xooga ayayna samayn doonaan, in ay sii socdaan ayaanan filaynaa.

Cabdi Quraab oo isna ka tirsan shirkada Biyaha ee Shaba ayaa u mahadceshay waxqabadka IFAD, wuxuuna intaas ku daray in xaalufka biyaha si looga hortago loo sameeyay biyo xidheenadan, waana mashaariic muhiim ah oo aad loogu baahnaa.

Badhasaabka G/Awdal Maxamuud Sh. C/laahi ayaa isna yidhi waa mashruucii sadexaad ee IFAD aan u furo aad ayayna ugu mahadsan yihiin, Nolosha iyo Biyuhu ma kala maarmaan, mashaariicdana aad ayaan ugu mahadcelinayaa IFAD, Bulshadana waxaan leehay waa in aan ilaashanaa, wixii xaaluf ku wada dhulkana aan ka ilaalinaa, Hayada inala joogana waxaan leehay biyo qabatinadan oo kale noo sameeya, Dix gudban hadii aad noo xidhaana barwaaqo ayuu Gobolku gaadhi, hayadaha kalana sidaas ayaan leehay ayuu yidhi Badhasaabku.
Xoosh Ismaaciil Suldaan oo ka mid ah deegaanka ayaa aad uaga mahadceshay waxqabadka sheegayna in ay waxtar weyn u tahay, beerihii ay biyo la’aanta uga tegeena dib uga faaiidaysanayaan.

Inta badan biyaha roobka ayaa ah kuwo aan laga faaiidaysan, oo wakhtiyada roobku da’o daadadka ka dhasha ay dooxyada hoos u raacaan iyaga oo halkaas bada ka gala, hadiise mashaariicdan ay hada horseedka ka tahay hayada IFAD sidaas ku sii socdaan waxay noqon doonaan qaar dadka iyo deegaankaba faaiido u soo kordhiya, waxa yaraan doona xaalufkii iyo laagihii ka jeexmay dhulka, waxa kordhi doona biyaha oo hada hoos u dhac weyni ku yimid markii dooxyada laga dhameeyay niistii.

                                        Waa Badhasaabka G/Awdal iyo Maxamed C/laahi Madaxa IFAD Borama

                                                     Isla Badhasaabka G/Awdal iyo Madaxa Hayada IFAD oo Daka Kala Hadalaya Waxtarka Biyo Xidhkan

                                                Isla Badhasaabkii iyo Madaxa Hayada IFAD

                                              Qof ku Dabaalanaya Galka ka Samaysmay Biyo Xidhka

                                            Biyo Xidhka Labaad ee Laga Dhisay Dooxa Dhamuuh

                                                   Biyo Xidhka 1aad ee Laga Dhisay Dooxa Dhamuug

Wariye: Hashim Goth
Boorma, Harowo.com, S/land
Email:
hashimgoth@hotmail.com]