March 24, 2007
Tallo iyo Tusaale ku Saabsan Shirka Jaaliyada Awdal ee Waqooyiga America
Waxan aad iyo aad uga Xumahay inaan maqlo khilaaf iyo tafaraaruq soo dhexgalay maamulkii iyo qabanqaabadii shirku ku sococday. Taasina waa wax ay dadka oo dhami ka wada naxeen. Hadaba si dib loogu soo celiyo hufnaantii iyo kalsoonidii dadku ku qabay hogaanka shirka, waa in si deg deg ah loo dhameeyo lagana heshiiyo wixii khilaaf ah ee jira. Dad badan oo aan arintani wax ka weydiiyey ayaa ii sheegeen inaan wax macno leh oo weyn aan la isku haysan, sidaa darteedna ay haboontahay in la wada hadlo oo si dhakhso ah xal looga gaadho murankan.
Si hadaba taasi ay u dhacdo, aniga waxay ila tahay in 6dan qodob ee hoos ku qoran la raaco:
1. Maamulka shirka waa in loo daayaa hogaankii ka bilaabay Washington DC, fikradana iska lahaa.
2. Iyaguna Waa inay tixgaliyaan dadkii wax la qabtay ee la soo dadaalay, arintana halka maanta ay jooto soo gaadhsiiyey.
3. Gudidii hore ee qabanqaabada shirku waa inay soo badhigaan wixii ay u baahan yihiin in laga caawiyo, dadkuna waa inay si hagar la’aana gacan ugu fidiyaan wixii looga baahdo.
Gudigaasu waxay u qaabilsantahay
- Wacyi galinta dadka, iyaga oo ka foojignaanaya wixii dadka kala qaybinaya, dhawaaq midaysna ugu baaqaya.
- Lacag urinta iyo wixii dhaqaale kale ah ee loo bahanyahay in si habsimi ah shirku u dhaco.
- Diwaan galinta dadka shirka ka soo qayb galaya iyo kuwa kale ee iyagu lacagta uun bixinaya ee haleeli kari waaya inay yimaadan shirka
- Ilaalinta kharaska iyo lacagaha ku baxaya qabaanqaabada shirka, waa inay Audit sameeyaan oo ay dadkana tusaan shilin walba meesha uu maray, kana ilaaliyaan in tasaruf lagu sameeyo lacagaha dadka laga soo gurayo.
- Isgaadhsiinta ama (communications and Media Relations
4. Gudiga Reer Minnasota waa in loo daayaa wax allaale wixii looga baahan yahay in laga qabto magaalada shirku ka dhacayo, sida diyaarinta madasha uu shirku ka dhacayo, dadka foolantiirka ah ee shirka ka dhex shaqaynaya, cuntada, maaweelada IWM.
5. Waa in la Sameeyaa gudi dhexe (Central Committe) oo state da ka kooban, gudigigaasi waxay ka mas’uul tahatay agendaha guud ee shirka iyo turxaan bixinta wixii dhibaato ama caqabada ah ee soo wajaha shirka. Iyaga ayaa ka mas’uul ah wixii baaq ah ee shirka ka soo baxaya.
6. Waa in la sameeyaa gudi farsamo ( a committee of Experts), kuwaas oo ku xeel dheer dhinacyada Dhaqaalaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo wixii kale ee gudiga dhexe go’aamiso in shirka laga wada hadlo. Waxa kale oo ay mas’uul ka yihiin diyaarinta mashaariicda lagu heshiiyo in la sameeyo iyo sidii loo samayn lahaa.
Waxay ila tahay hadii la raaco qadoban oo aan is idhi way wada daboolayaan wixii baahi jira oo dhan, waxaan aaminsanahay inuu si habsami ah uu shirku u dhici doono, guulna laga gaadhi doono. Hadii aan wax ka tagayna waa lagu soo dari doona hadii Eebe idmo.
Hussein Daahir Obsiiye
Minneapolis, Minnasota
Email: hdobsiye@msn.com
