March 23, 2007
Kooxo Maleeshiyaad Taabacsan M/Goboleedka Majeerteeniya Ayaa Ka Bilaabay Khalkhal Gelin Dhinaca Nabadgelyada Ah Qaybo Ka Mid Ah Deegaanada Gobolada Beriga Somaliland
Hargeysa (Harowo.com) March 24 -07- kooxo maleeshiyaad ah oo uu hogaaminaayo ninka ugu magacaaban Maamulka Majeerteeniya ee Puntland deegaanka Buhooleh ee Somaliland ayaa shallay gelinkii danbe soo gallay magaalada Buhuudleh waxaanay rasaas nool ku fureen shacabka magaalada Buhoodleh iyagoo markii danbana xoog ku qabsaday xaruntii bangiga dhexe ee Degmada Buhuudleh.
Shabakadda Harowo.com oo khadka telefoonka kula xidhiidhay weriye Luqmaan Xamse Gadaweyne oo ka tirsan wakaaladda Wararka ee Somaliland (SOLNA), ayaa sheegay in kooxdani ay maanta gelinkii hore suuqa ganacsiga ee magaalada Buhoodleh ay qalaalase ka sameeyeen iyagoo dhac u gaystay dukaano ku yaalla magaalada Buhoodleh iyo weliba qaad badan oo ay iibinayeen dadka qaadka ka ganacsada.
Kooxdani ayaa sida uu weriyahaasi sheegay waxay caawa dhawr jeer rasaas ku fureen xarumaha maamulka ee Somaliland ay ku leedahay magaalada Buhuudleh balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo ay rasaastaasi gaysatay.
Dhinaca kalana wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa la sheegaya in dorraad uu halkaasi soo gaadhay gaadhi nooca TOYOTA ah oo uu lahaa badhasaabkii u qaabilsana maamulka Majeerteeniya ee Puntland gobolka Sool, isagoo sheegay inuu isku soo dhiibay dhinaca Somaliland wax war ah oo faah faahsani kama soo bixin badhasaabkaasi isku soo dhiibay somaliland.
Dhinaca kalana wararka naga soo gaadhaya dhinaca jiidda hore ee ciidamada Somaliland Degenyahiin ayaa maalmahii ugu danbeeyey ciidamadda waxaa la geliyey heegan sare iyadoo dagaalo qadhaadh ay ka jiraan dhinaca dalka Soomaaliya gaar ahaana xarunta Muqdisho, waxaa maalmahii ugu danbeeyey xuduudka dhinaca somaliland ay la leedahay Soomaaliya ka soo Gudbaayey dad badan oo ka soo barakacaya.
Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka Somaliland oo hore cunaqabatayn dhinaca Socdaalka ah ugu soo rogtay Soomaaliya ayaa war ka soo baxay shallay waxaa lagu sheegay in lagu dabciyey cunaqabatayntaasi iyadoo somaliland sheegtay inay soo dhawaynayso dadka barakacaya ee ka soo cararaya dagaalada ka dhacaya dalka Soomaaliya.
Kooxaha Maleeshiyaadka ah ee xoogga ku soo gallay magaalada Buhoodleh ee gobolka Togdheer kuwaasi oo qalaalasay magaaladaas
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com

