March 23, 2007
Wefdi Culus Oo U Hogaamin Doono Axmed Siilaanyo Ayaa Berri Lagu Wadaa Inay U Baqoolaan Degmada Madheera Iyagoo Soo Booqanaya Suxufiyiinta Wergeyska Haatuf Oo Halkaasi Ku Xidhan
Hargeisa (Harowo.com) March 24 -07- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminaayo oo ka kooban guddidiisa fullinta ayaa la filayaa inay maalinta berri ah u baqoolaan dhinaca iyo degmada Madheera iyagoo halkaasina ku soo booqan doona 3 suxufi oo ka tirsan Wergeyska Madaxa Bannaan Ee Haatuf oo muddo laba bilood iyo badh ah u xidhan qoraalo lagu eedeeyey inay wax kaga sheegeen Qoyska Madaxtooyada Somaliland.
Wefdigani ayaa lagu wadaa inuu noqdo kii ugu balaadhna ee dhinaca siyaasiyiintu ay ku booqdaan suxufiyiintaasi, waxaana dadka qaar leeyahiin booqashadu waxay dabada ku haysa arrimo la xidhiidha ololahii dhinaca siyaasadda iyo kasbashada shacabka oo Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye bilaabay.
Yuusuf Cabdi Gaboobe
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo shabakadda Harowo.com caawa wax ka weydiisay socdaalkoodani iyo in loo ogolaan doono inay arkaan suxufiyiintaasi ayaa wuxuu ku jawaabay "waxaanu berri insha allahu rajaynaynaa inaanu booqano xisbi ahaan raggaasi mujaahidiinta ah ee dulmiga lagu haysto, insha allahu tacala waanu soo eegayna waxaananu u dhisi doona niyadda inay u samraan inta xaqu imanaayo" ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Suxufiyiinta Wergeyska Haatuf ayaa dhawaan Maxkamadda gobolka Hargeysa waxay ku kala xukuntay xadhig u dhexeeya 2 sanno iyo 2 sanno iyo weliba ganaax lacageed oo gaadhaya 5 malyuun oo shilinka somaliland ah iyo weliba xayiraad lagu soo rogay wergeyska Haatuf wallow uu wergeysku si caadi ah u shaqeeyo oo aan lagu fulinin go’aankii maxkamadda ee ahaa xayiraadda.
xadhiga Suxufiyiinta Wergeyska Haatuf ayaa hore waxaa u dhaleeceeyey ururada warbaahinta maxaliga ah iyo weliba kuwo caalami ah iyo weliba Ururada xuquuqul insaanka sida Amnesty International, African Human Watch iyo kuwa kale kuwaasi oo dhammaantoodba ugu baaqaayey xukuumaddu inay xorriyadooda usoo celiso suxufiyiintaas.
Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa hore isaguna u dhaleeceeyey xadhigaasi waxaana loo arki karaa socdaaalkani berri ay ugu tagayaan mid ay ku tusayaan heerka ay ka xunyahiin xadhigaasi.
Axmed Siilaanyo Iyo Saraakiisha Xisbiga Kulmiye Oo 2005-tii Bishii August Olole Kaga Jiray Degmada Madheera
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com






