March 22, 2007

X. Yuusuf Maxamed Cali Tuke Oo Ku Eedeeyey Gud. Xisbiga UCID Inuu Mararka Qaarkood U Muuqdo Sida Wasiir Ka Tirsan XuK. Madaxweyne Rayaale

Hargeysa (Harowo.com) March 21-07- Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali Tuke oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladda ee ka soo jeeda xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID inuu mararka qaarkood u ekaado sida wasiir ka mid ah wasiiradda xukuumadda Madaxweyne Rayaale "Xisbiga UCID waa xisbi aanu nahay mataano, oo aanu jaal ku nahay mucaaridnimada iyo in danta dalkani laga wada shaqeeyo.

Mararka qaarkood waanu kala afkaar duwanaanan oo waanu is jafnaa annagoo midkaayaba doonaya inaanu isku qancino hadafka xisbiyadayada laakiin Guddoomiyaha Xisbigaasi Faysal Cali Waraabe waxaad mararka qaarkood mooda sida wasiir ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin" ayuu yidhi Xildhibaan Yuusuf Tuke.

Oo ka qayb gallaayey dood aad u kulalayd oo caawa uu kaga qayb gallaayey Telefishanka Madaxa Bannaan ee Hargeisa Cable Tv, wuxuuna Xildhibaan Yuusuf Tuke ku eedeeyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID nin laba wajiilaynaaya oo kolba dhinac isku ekaysiinaya "jir jiroolaha ayuunbaynu aragnay bahal kolba midab gooniya yeesha, ina cali waraabe waxaan la yaabay ilaa iyo intuu xisbigaasi yeeshay UCID sida bahalkaa jir jiroolaha ayuunbu kolba dhinac u boodaya, waxaaban is idhaahda mararka qaarkood wasiirada ina rayaale kuwa ugu afka xun ayaa idinla hadlaya markuu hadlaayo isagu"
 
Waa masuulkii ugu darajada sareeyey ee ka soo jeeda Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo eedayn ilaa xadkaasi ah u jeediya guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID tan iyo intii xisbiyada qarranka la aas aasay.
 
Labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID ayaa dhawaan shir albaabadu u xidhnaayeen oo ay ku yeesheen xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee magaalada Hargeysa waxay isku mari waayeen ajandayaal ay ugu muhiimsanaayeen arrinta muranka koomiishanka doorashooyinka qarranka, taasi oo xisbiga UCID ay isku mawqif ka yahiin xisbiga tallada dalka haya ee UDUB.
 
Waxaana uu Guddoomiyaha xisbiga UCID uu shirkaasi ay labada xisbi yeesheen ka jeediyey khudbad u dhacaysay hanaan garnaqsi ah taasi oo faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga UCID uu si ba’an ugu weerararay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo .

                                           Hogaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID iyo Xildhibaan Tuke oo dhawaan Ku Kulmaya magaalada London ee xarunta dalka ingiriiska

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email:
diridhaba@gmail.com