March 20, 2007
Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin Ayaa Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Kheyraadka Dabiiciga ah
Hargeysa (Harowo.com) march 20-07- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Digreeto uu caawa fiidkii ka soo saaray xarunta madaxtooyada wuxuu u magacaabay Wasiirka Kalluumaysiga inu noqdo Mudane Cali Maxamed Xasan (Qoor-seef), ka dib markii uu xilkaasi dhawaan ka geeriyooday ilaahay ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Faarax Oday.
Haddaba digreetada Madaxweynaha oo ka soo baxday xafiiskiisa ayaa iyadoo dhamaystiran waxay u dhignayd sidani:
"Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , ayaa Maanta soo saaray xeer Labar 275-03-2007 oo uu ku magacaabay Mudane Cali Maxamed Xasan ‘’Qoor-seef'’ inuu ahaado Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha ee Somaliland ka dib markii uu xilkan ka geeriyooday Marxuum Maxamuud Faarax Oday oo dhawaan ku geeriyooday Dalka India"
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com , Hargeisa, Somaliland
Email: diridhaba@gmail.com






