March 19, 2007

Ogaysiis ku Socda Jaaliyadda Awdal ee Waqooyiga America

Anaga oo ah Gudoomiyihii, Gudoomiye Ku-xigeenkii iyo xubno kale oo ka mid ah gudigii qabanqaabada shirka Jaaliyadda Reer Awdal ee sanadkan, Waxaan ogaysiinaynaa Jaalidda, in ka dib markii dad dano gaar ah lihi khilaaf ka dhex abuureen gudigii qabanqaabada shirka, in dib loo habaynayo gudiga, dhawaanna lagu dhawaaqi doono gudi balaadhan oo ku salaysan karti, daacadnimo iyo hufnaan.

Waxa kale oo aan uga digaynaa Beesha Awdal ee Waqooyiyiga America in baaqa ka soo baxay kooxda la baxday Awdal Developement Agency (ADA) ee degan magaalada "Minneapolis" yahay mid lagu Mara Habaabinayo ujeedadii iyo hanaankii loogu talagalay in uu shirku u dhaco. Sdaa darteedna ay iska ilaaliyaan wixii u keenaya tafaraaruq iyo kala jab.

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Axmed Sh. Faarax
Gudoomiyihii gudiga
Qabanqaabada shirka

Mahdi Qaadi
Gudoomiye Ku Xigeenka
Gudiga Qabanqaaba Shirka

Iyo Xubnaha Kale ee Taageesan