March 18, 2007

Ogaysiis: Ka Digtoonaw Majara Habaabiska Qadiyadda Beesha Awdal

Anaga oo ah Gudoomiyihii, Gudoomiye Ku-xigeenkii iyo xubno kale oo ka mid ah gudigii qabanqaabada shirka Jaaliyadda Reer Awdal ee sanadkan, waxaan uga digaynaa Beesha Awdal ee Waqooyiyiga America in baaqa ka soo baxay kooxda la baxday Awdal Developement Agency (ADA) ee degan magaalada "Minneapolis" yahay mid lagu Mara Habaabinayo ujeedadii iyo hanaankii loogu talagalay in uu shirku u dhaco.

Kooxdan oo midkoodna ka mid ahayn gudigii hore ee qabanqaabada shirka (Steering Committe), horayna aan lagu ogayn inay daneeyaan ama ku hawlan yihiin waxtarka gobolka Awdal, ayaa iska jeclaystay iyaga oo kaashanaaya qaar ka mid ah gudiga, inay xoog ku maroorsadaan maamulka iyo Ajandaha shirka. Taasna Waxaa suurto galiyey markii xoogag dano gaar ah lehi ay fidno iyo khakhal ka dhex abuureen gudiga qabanqaabada shirka, si ay uga faa’iidaystaan, uguna fushadaan Ajandahooga gaar ka ah.

Maaha markii ugu horaysay ee sidan oo kale koox yari u afdoobto himilada dhaqaale iyo hindisa siyaasadeed ee beesha, waxaynu wada oganahay in markasta oo la isku dayo in lagu midoobo horumarka siyaasadeed ama dhaqaale ee bahweynta Awdal, inay ka hoos kacaan canaasiir dano gaar ah lehi, tan maanta joogtina kama duwana hagardaamooyinkii  iyo caqabadihii hore loogu baajin jirey danta guud ee beesha.

Si Kastaba ha ahaate, wixii jaraa kolay way soo wada bixi doonaan, waxaase muhiim ah in cidii ku raacsan Ajandahan Majaro habaabiskuna ku taageerto kooxdan, cidii aan ku raacsanayna ka fiirsato inta ayna ku hodmin.

Hadii aan soo koobno wajiga siyaasadeed ee ku dheehan kooxdan, taageerayaashooda iyo inta ololaha ugu jirta (marka laga tago afgobaadsiga iyo hadal tiraha ku qoran baaqooda) waxaad arkaysaa inay ka kooban yihiin isbahaysi ku salaysan mucaaridnimo. Qaybta ugu weyn ee hogaankana u haysa isbahaysigan ayaa iyagu ku hawlan sidii beesha loogu dari lahaa Soomaali Weyn, inta kalena waa canaasiir ku kacsan xukuumada Somaliland.

Waxa marag madoon ah, intii xaajadan wax ka oagaydna ay ka marag kacayaan, in dadka baaqan ku qoran oo maanta ahaan lahaa dadkii midnimada iyo wanaaga beesha ka shaqayn lahaa, ay ka door bideen in ay bulshada ka dhex abuuraan tafaraaruq iyo qabyaalada aan maanta looga baahnayn Waqooyiga America. Taanisna waa nasiib darada ummada Soomaaliyeed ku habsatay meel kasta oo ay joogaanba. Hore ayaa loo yidhi "Hal Ninkii Lahaa dabada Hayo, Ma Kacdo". Waxa kale oo iyadna meesha ku jirta "hadii ay hasha geela ugu weyni durduro bilowdo, maxaad ka filaysaan Aarankana".

Wixii Tafaasiil ah ee dembe waxaad kala socon doontaan Harowo.com

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Axmed Sh. Faarax
Gudoomiyihii gudiga
Qabanqaabada shirka

Mahdi Qaadi
Gudoomiye Ku Xigeenka
Gudiga Qabanqaaba Shirka

Iyo Xubnaha Kale ee Taageesan

Login