March 18, 2007

Koox Ka Mid Hiliblayaasha Caasimadda Hargeysa Oo Banaanbax Sameeyey Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Hargeysa (Harowo.com) March 17-07- 19 qof oo ka mid ah kooxo hiliblayaal ah oo saaka waabarigii hore iskugu soo baxay waddooyinka caasimadda Hargeysa ayaa booliisku ay qabteen isla markaana isla saakaba waxaa loo dhaadhiciyey dadkaasi xabsiga dhexe ee magaalada Madheera iyadoo lagu xukumay xadhig u dhexeeya 3 ilaa 6 bilood.

Kooxahani hiliblayaasha ah ayaa waxay ka cabanayeen qiimo korodh ay dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa ku soo rogtay gawraca xoolaha nool, qiimahaasi oo sida maayorka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamud Jaciir uu sheegay ay isla afgareen maamulka shariikadda Maandeeq oo gacanta ku haysa maamulka Kawaanka Caasimadda Hargeysa.
 
Tan iyo wakhtigaasi ayaa kooxo ka mid ah hiliblayaasha caasimadda Hargeysa waxay diidanaayeen in ay qaataan amarkani cusub ee ay dawladda hoose ku soo rogtay taasi oo qiimahii hore laba jeer kor loogu qaaday iyagoo ku cabanaayey inaanay iska bixin karin kharashka qiimaha korodhkaasi.
 
Shabakadda Harowo.com oo khadka telefoonka gacanta kula xidhiidhay maayorka Caasimadda Hargeysa Eng. Jaciir si ay arrimahani wax uga weydiiso ayaa maayorku wuxuu sheegay in kooxdani ay sameeyeen fal uu ku tilmaamay fawdo iyo khal khal gelin nabadgelyada dalka isla markaana laga qaaday tallaabo ku haboon.
 
Waxaa jira maalmahii ugu danbeeyey khilaaf soo kala dhex gallay kooxaha hiliblayaasha caasimadda Hargeysa, iyadoo dhawaana koox lagu magacaabo NAFAQO oo sheegtay inay yahiin ururka guud ee mideeya hiliblayaasha caasimaddu ay sheegeen inay ayidsanyahiin qiimo korodhka lagu soo rogay gawraca xoolaha nool.

                                           Saldhiga dhexe ee Caasimadda Hargeysa oo Su’aalo lagu weydiinaayo mid ka mid ah kooxaha hiliblayaasha ah ee la soo xidhay
 
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
Email:
diridhaba@gmail.com

Login